DALKA JABUTI OO CIIDAMO U DIRAYO DALKA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA JABUTI.
(JIBOUTI)-Wararka laga helaayo dalka Jabuti ayaa sheegaayo in Guutada 13aad ee Hiil-Walaal ee Jabuuti ey ku jirto marxaladihii ugu dambeeyay ee diyaarinta ciidamada loo dirayo Soomaaliya iyagoo qayb ka ah howlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika(AUSSOM, iyadoo la filayo in ciidamada ay dalka Soomaaliya yimaadaan Maarso 16. Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xerada tababarka ee Cali Cune ee gobolka Carta, halkaas oo uu kula kulmay askarta guutada iyo taliyayaashooda. Kormeerka ayaa dib u eegay diyaargarowga ciidamada iyo heerka diyaargarowgooda howlgalka ay ka fulin doonaan Soomaaliya. Jeneraal Ibraahim ayaa sidoo kale farriintii ugu dambeysay u diray ciidamada, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan anshax, midnimo, iyo xirfadnimo marka ay yimaadaan Soomaaliya. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in askartu ay matalaan qaranka Jabuuti ayna door muhiim ah ka ciyaari doonaan taageeridda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Kooxdan ayaa beddeli doonta guutada 12-aad ee hore uga howlgali jirtay Soomaaliya, halkaas oo ay gacan ka geysan doonto hawlgallada amniga iyo dadaallada taageerada nabadda ee dhowr meelood oo dalka ah, gaar ahaan gobolka Hiiraan. Ciidamada Jabuuti waxay ka mid yihiin ciidamada gobolka ee ka qayb qaadanaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxayna muddo dheer ka howlgalayeen goobo ay ka mid yihiin Beletweyne, Jalalaqsi, iyo Bulo Burde, iyagoo gacan ka geystay ilaalinta amniga iyo ilaalinta dadka rayidka ah.
ISHA-DM.