SENIGAL OO (1-0) UGA ADKAATAY MAROOKO KOOBKA AFRIKA.
(SAWIRKA)-GOOLKII LOOGA ADKAADAY MAROOKO.
(RABAT/MOROCCO)-Kooxda Qaranka K/cagta dalka Senigaal ayaa ku guuleysatay koobka K/Cagta ee Qaramada Afrika, ka dib markii ay ka adkaadeen xulka Qaranka dalka Morooko ciyaartii kama dambaysta ahayd iyagoo uga adkaaday natiijo ah( 1-0). Cayaarta ayaa waxa ey ka dhacday Garoonka Malik Mawlaa Cabdallah, ciyaartii ugu dambeysay ayaa lagu qabtay, taasoo u taagan fursad ay kooxda Qaranka Morooko ku soo afjari karto sugitaan ku dhawaad 50 sano ah tan iyo markii ay ku guuleysteen horyaalka kaliya ee 1976, halka Senigaal ay raadineysay inay xoojiso booskeeda kubadda cagta ee caanka ah ee qaaradda Afrika iyadoo ku guuleysatay horyaalkeedii labaad. Ciyaartii ugu dambeysay waxaa hareeyay muuqaallo fowdo ah ka dib markii Senigaal ay u muuqatay inay si kooban uga baxday garoonka iyagoo ka mudaaharaadaya rigoore la siiyay Morooko waqtigii nasashada ee qeybtii labaad ee ciyaarta caadiga ah. Kooxda Senigaal ayaa markii hore diiday inay sii wadato ciyaarista, tababare Pape Thiaw ayaana ka codsaday inay garoonka ka baxaan, laakiin kabtan Sadio Mane ayaa ku qanciyay inay soo laabtaan. Ibrahim Diaz ayaa rigoore tuuray ka dib markii uu dib u dhacay 14 daqiiqo, isagoo isku dayaya inuu dhaliyo goolka guusha Marooko ayuu kubadda ka dul mariyo goolhayaha, laakiin isku daygiisii ma uusan guuleysan, Edouard Mendy ayaana si fudud u badbaadiyay. Senigaal ayaa goolka guusha dhalisay daqiiqadii 94aad iyadoo uu u dhaliyay Pape Gueye, kooxda "Atlas Lions" ayaana awoodi weysay inay barbareyso goolka, sidaas darteed ciyaartu waxay ku dhammaatay "Libaaxyada Teranga" oo ku guuleystay horyaalka. Waxaa xusid mudan in Morooko ay gaartay finalka ka dib barbaro goolal la'aan ah oo ay la gashay Nigeria semi-finalka, ka hor inta aysan ku guuleysan inay u soo baxdo rigoore, taasoo ay ugu wacan tahay geesinimada goolhayaha Yassine Bounou. Taas bedelkeeda, Senigal ayaa gaartay finalka ka dib markii ay (1-0) kaga badisay Masar semi-finalka. Ciyaartan, Morooko waxay ciyaartay finalkeedii saddexaad taariikhda Koobka Qaramada Afrika , halka Senigaal ay ciyaartay finalkeedii afraad, waana markii ugu horreysay tan iyo 2021-kii. Waxaa kaalinta seddexaad galay Xulka Qaranka K/cagta dalka Nayjeeriya ka dib markii uu rigoorayaal uga adkaaday Xulka Qaranka K/Cagta dalka Masar, cayaarta ayaa ku dhammaatay barbaro ah eber iyo eber(0-0). Tartankaan ayaa soo bilawday 21-kii bishii hore ee Disembar-2025-kii, waxa uuna soo dhammaaday maanta oo ah 18-ka bisha Janaayo sannadka 2026-ka, waane tartankii 35-aad ee Koobka Xulalka Qaranka K/cagta ee Qaaradda Afrika. Tartankaan maanta soo dhammaaday kan ku xigo oo la qaban doono sannadka 2027-ka ayaa lagu qaban doonaa wadamadda kala ah”KENYA-UGANDHA-TANZANIA”, waane markii ugu horeysay uu martigeliyo Xiriirka K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan CECAF, waxaane ugu dambeysay in lagu qabto sannadkii 1976-kii.
DIYAARIYE/ABKEY-MOGADISHU-SOMALIA.