REYSAL WASAARIHII HORE EE INGIRIISKA BLAIR OO ISKA FOGEEYEY KA MID NOQOSHADA…
(SAWIRKA)-Ex-RW-TONY BLAIR.
(LONDON)-Tony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska oo loo magacaabay Guddiga fulinta ee Golaha Nabadda Gaza ee uu Guddoominayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iska fogeeyay dalabka Madaxweynaha ee ah in dalalku ay bixiyaan lacag dhan $1 bilyan oo doollar si ay xubin joogto ah uga noqdaan Golaha. Blair wuu diiday inuu ansixiyo codsiga khidmadda, kaas oo qayb ka ah qabyo-qoraalka xeerka golaha cusub, taasoo muujinaysa in faahfaahinta Golaha Nabadda ay kicinayaan mucaaradad ka imanaysa xulafada iyo la-hawlgalayaasha Mareykanka ee mashruuca Trump, sida laga soo xigtay Bloomberg News. Afhayeen u hadlay Tony Blair ayaa Axadda maanta ah sheegay in Blair uusan ku lug lahayn soo xulista xubnaha golaha, isagoo soo jeediyay in uusan si cad u taageeri doonin soo jeedinta khidmadaha. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in wax kasta oo su'aalo ah oo ku saabsan lacagta ah halka bilyan ee doolar loo gudbin doono maamulka Trump. Ilo wareedyo arrintan ka warqaba ayaa sheegay in dalalka qaar ay u badan tahay inay diidaan inay ku biiraan golaha sababo la xiriira shuruudaha Trump. Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in dalalka kale ay mabda' ahaan ku heshiin karaan inay ku biiraan Golaha Nabadda, laakiin ay diidaan inay bixiyaan khidmadaha xubinimada joogtada ah. Tan iyo markii uu xilka ka degay Reysa Wasaare Tony Blair sannadkii 2007-dii,wuxuu dib u dhigay eedeymo dambiyeed dagaal oo ka dhashay doorkiisii uu ku lahaay duulaankii Ciraaq ee dhacay sannadkii 2003-dii, Blair wuxuu raaligelin ka bixiyey cawaaqib xumadii ka dhalatay, waxa uuna ku dhibtooday inuu ka baxsado mugdiga colaada Bariga dhexe. tony Blair wuxuu ku guuleystay seddex doorasho oo xiriir ah oo ka dhacday Ingiriiska intii u dhexeysay sannadada 1997 iyo 2005-tii, laakin wuxuu weli yahay mid ka mid ah magacyada ugu kala qeybsanaan badan Siyaasadda Ingiriiskainkastoo uu masraxa Siyaasadda ka baxay ku dhawaad 20-sano ka hor.