SARKAAL KU XADGUDBAY CODBIXYEYAASHA OO AXABSIGA LA DHIGAY.
(SAWIRKA)-X/LE.MAXAMED CALI.
(MUQDISHO)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa qaaday talaabo deg deg ah oo la xiriirta askari ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta ku xad gudbay muwaadin u soo baxay codeynta doorashada tooska ee ka socota magaalada Muqdisho. Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in lasoo xiray eedeysane Maxamed Cali Cabdi oo maanta laga soo duubay muuqaal, isagoo garaacaya qof shacab ah oo ku jira safka doorashada cod bixinta. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, ayaa gacanta ku dhigay askari ku eedaysan inuu ku xadgudbay muwaadiniin u soo baxay iney ka qayb qaataan doorashada ka socota Caasimadda” ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi. Taliye Macalin Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha si deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan. “Eedaysanaha ayaa lagu magacaabaa X/le.Maxamed Cali Cabdi, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo” ayuu yiri Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi. Wuxuu sidoo kale xusay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir in Muqdisho maanta ay mareyso marxalad ka wanaagsan sidii horay loogu yaqiinay ee aheyd dhibaatooyinka qaraxyada iyo dilalka. "Alle mahadiis waaye maanta Muqdisho laguma tirinaayo meydad iyo qaraxyo ee codad dadweyne ayaa lagu tirinaya waana horumar lagu talaabsaday" ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi. Doorashada maanta ka socota magaalada Muqdisho ee golayaasha deegaanka ayaa imaaneysa 57 sano kadib mid ay u dareeraan dadweynaha Soomaaliyeed doorasho qof yo cod ah oo ay ku tartamayaan ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka. Ugu dambeyntii doorashadan oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa waxaa qaadacay xubnaha mucaaradka oo shalay sheegay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir.
XIGASHO-HOL.