CAF OO GANAAXDAY XULKA DALKA MASAR.

(SAWIRKA)-XULKA DALKA MASAR.

(AGADIR/MAROCCO)-Wararka laga helaayo dalka Marooko ayaa sheegaayo in Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano CAF uu ganaax lacageed uu ku soo rogay Xulka Qaranka Kubadda Cagta dalka Masar,ganaaxa ayaa dhan shan kun oo doolarka Maraykanka ah($5000),sababta keentay in Xulka reer Masar iyo masuuliyiintii la socotay la ganaaxoa ayaa ah ineysan la hadlin Warbaahinta ka dib ciyaartii furitaanka ey la yeehseen Xulka K/Cagta ee dalka Zimbabwe kuna tirsan tartanka 35-aad ee Xulalka Qaranadda Qaaradda Afrika ee hadda si habsami ah uga socdo dalka Marooko-2025-ka,kulankaas ayaa waxaa (2-1) ku adkaaday xulka dalka Masar. Diidmada reer Masar ayaa ah mid jebisay Waajibaadka Saxaafadda, waxa eyna CAF soo saartay digniin aad u culus iyo ganaaxyo adag haddii Xulka Masar iyo Masuuliyiinta la socoto ey mar kale ku celiyaan falkii ey horay u sameeyeen kulanka ey maanta oo Jimca ah la yeelan doonaan Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee dalka K/Afrika. Ganaaxa ayaa ka dhashay ka dib dhammaan wafdigii reer Masar ey ag mareen Saxafiyiinta iyagoo aan wax waraysi ah la yeelan cayaarta ka dib taaso si cad u jebineysa xeerarka tartanka CAF. Xulalka Masar iyo K/Afrika ayaa ka wada tirsan Wareega(B) ey ku wehliyaan Zimbabwe iyo Angola,waxa eyna la soo kala ciyaareen dalalka Zimbabwe iyo Angoola waana ey ka soo wada adkaadeen oo waxa ey hadda leeyihiin min seddex dhibcooda,kulankooda maanta ayaa ah aad u xiisa badan waayo midkoodii adkaada ayaa higaamin doono Wareega B. Kulanada lagu wado iney maanta dhacaan ayaa ah sidan:

Wareega(A)-Zambiya Vs Komoeos

Marooko Vs Mali

Wareega(B)-Angola Vs Zimbabwe

Masar Vs K/Afrika.

Xusuusnow in Xulalka Masar iyo K/Afrika ey horay u soo badiyeen leeyihiine min seddex dhibcood,halka Marooko ey leedahay seddex dhibcood Maline ey leedahay hal dhibac.

DIYAARIYE/ABKEEY-MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

REYSAL WASAARIHII HORE EE MALAYSIYA OO DEMBI LAGU HELAY.

Next
Next

SARKAAL KU XADGUDBAY CODBIXYEYAASHA OO AXABSIGA LA DHIGAY.