SAMBALOOSHE OO SOO GAARAY B/WEYNE DIIDAYNE INUU HADLO.

(MUUQAALKA)-SAMBALOOSHE IYO RAGII SOO DHAWEEYEY.

(B/WEYNE/H/SHABEELE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraa ee Beledweyne ayaa sheegaayo in Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mudane Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) iyo Siyaasiga Maxamed Daahir ay maanta soo gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xildhibaan Sanbaloolshe  ayaa ka soo degay dalka itoobiya ka dib markii uu ka soo kicitimay magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isagoo gobolka Hiiraan ka soo galay dhinaca magaalada Feer Feer halkaasoo ay ka soo galbiyeen ciidamo iyo gaadiidka kuwa dagaalka oo ka baxay magaalda Baladweyne. Sanbalooshe ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ujeedka safarkiisa, waxaan kulamo kala duwan uu la qaatay waxgaradka, xubnaha hogaaminaya kacdoonka ka dhan ah Hirshabeelle, iyo siyaasiin. Xildhibaan Sanbaloolshe oo dhawaan wareysi ku siiyay magaalada Nairobi warbaahinta Gaylan Media ayaa sheegay in midnimada reer Hiiraan ay ku jirto badbaada Hirshabeelle islamarkana la dhisi doono Hirshabeelle cusub. "Meeshaas doorasho kama dhicin dadka dhan waa ogyihiin, Xassan Sheekh waa ogyahay, Cali Guudlaawe waa ogyahay, guddiga doorashadda beenta ah waa ogyihiin, shalay sidii aan u diidaneyn ayaa u diidanahay, midnimada reer Hiiraan ayay ku jirta badbaada Hirshabeelle, tabaabusheysi ayaa ku jirnaa, wixii anaga na lagala tashan wayay oo taladii na laga xayuubsaday, waxan rabnaa inaan dhisno Hirshabelle cusub."ayuu yiri Sanbaloolshe. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo xiligan ugu tun weyn xubnaha ka soo horjeeday qaabka loo dhisay maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn isha loogu haya qorshaha uu wato iyo sida ay noqon doono xaaladda magaalada Baladweyne. Ciidamo tageersan qorshaha Sanbaloolshe ee ka dhan ah maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee ku taalla xerada lama galay. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa qaba in fursadan hor taalla Sanbaloolshe ay hadii uu ka faa’ideysto inay u horseedi doonto inuu galangal ku yeesho arrimaha masiiriga ee dalka.

ISHA-HOL.

Next
Next

MAXAY MAXKAMADA SARE EE SOOMAALIYA U SUGTA LIX BILOOD SI EY U BURISO DAWLADDA?