(MUQQALKA)DANJIRE FERHAT IYO RW-kHAYRE.
(MUQDAISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS:Danjire Ferhat Alkan ayaa, isaga oo sii wada booqashooyinkiisa isbarashada, kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii 19-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, isbeddelladii ugu dambeeyay iyo dadaallada afarta dhinac ee ay ku mideysan yihiin Türkiye, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya. Danjire Ferhat Alkan ayaa Mudane Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay aragtiyihiisa qiimaha leh, soo dhaweyntiisa diirran iyo doorkiisa joogtada ah ee xoojinta xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya. Safiirka Turkiga ayaa horay waxa uu ula soo kulmay Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uuna kala hadlay arrimaha hadda taagan ee ah doorashooyinka heer Federaalka ee weli aan go’aan mideysan laga gaarin waqtiga ey dhacayaan iyo sida loo qaabeeyey.
XIGASHO-SAFAARADDA TURKIGA.