SAFAARADDA MARAYKANKA EE MUQDISHO OO BEENISAY….
(SAWIRKA)-WARKA BEENTA AH.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Safaaradda dowladda Mareykanka ee magaalada Muqdisho si adag u beenisay warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay xiriir istiraatiiji ah iyo aqoonsi gaar ah u fidisay maamulka Somaliland. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu caddeeyay in sawirrada iyo qoraallada wareegayay ee muujinayay maalgashi balaayiin doollar ah iyo aqoonsi diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo been abuur ah oo laga leeyahay ujeeddooyin gaar ah. Safaaraddu waxay sumadda “FAKE NEWS” saartay sawirro lagu farsameeyay qaabka bayaanada rasmiga ah ee dowladda Mareykanka, waxayna dadweynaha uga digtay inay marin-habaabiyaan xogaha aan ka soo bixin mareegahooda rasmiga ah. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii lagu faafiyay baraha bulshada in Mareykanku uu xiriir ka madax-bannaan kan dowladda Federaalka Soomaaliya la yeelanayo maamulka Waqooyi Galbeed. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa waqti xaaladda Amni ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ey aad ku kacsan ka dib markii Culimadda degaankaasi ey si cad oo qarsoodi leheyn u diideen Aqoonsiga Isra’iil ee Soomaaliland, waxaane hadda socdo diyaarinta Banaanbaxyo lagau taageeraayo hadalka Culimadda Soomaaliland ee ah in gebi ahaan Isra’iil aan lala gelin wax heshiis ah nuucaw doono ha ahaadee.
XIGASHO-GJ.