AL-SHABAAB OO LAGU HALAAGAY J/HOOSE IYO SH/HOOSE.

(SAWIRKA)-FU’AAD SHONGOLE OO KU DHAWACMAY KUDHA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaaladii ka dhacay magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigeeda. Guddoomiye Xasan Nuur ayaa sheegay in tirada xubnaha Al-shabaab ee lagu dilay Jasiiradda Kudhaa iyo nawaaxigeeda ay kor u dhaaftay laba boqol oo xubnood, islamarkaana sidoo kale nolosha looga qabtay sideed nin oo maxaabiis. “Nimankaasi sidaad ogtihiinba weerar bay nagu soo sameeyeen, runtii waan iska caabinay dib ayaana u celinay, dhimashadooda hadda waxay mareysaa 250, weli waxyaalo kale oo la soo qaadayo way jiraan oo saacaddan lagu maqan yahay oo la soo wado, laakiin dhimashadooda hadda aan xaqiijinay waa 250.” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi. Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha degmada Badhaadhe inuu indhihiisa ku arkay sideed ka mid ah baabuurta dagaalka ah ee maleeshiyadka Al-shabaab looga burburiyay dagaalkii ka dhacay Kudhaa iyo nawaaxigeeda. “Runtii khasaare aysan kasoo kabsan doonin baa meeshaa kasoo gaaray Khawaarijta, mana u maleynayo inay dib dambe u soo haweysan doonaan deegaanada Jubbaland” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi. Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu wali ay ku daba jiraan firxadka Kooxda Al-shabaab, islamarkaana xaaladda Kudhaa ay haatan degan tahay ayna dib ugu soo laaban hayaan guryahooda dadkii barakacay. Dhinaca kale, Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorhseysnaa oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Horjoogaha howlgalka lagu dilay ayaa lagu soo koobay magaciisa Timaweyne, kaasoo kooxda Al-shabaab u qaabilsana sida la sheegay Baadda dadka Shacabka ah. "Horjoogaha la khaarijiyay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen dadka shacabka ah ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda. Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay dowladda lagu sheegay in ciidamada intii ay howlgalka wadeen ay gacanta ku dhigeen mooto nooca la lugaaleyda ee loo yaqaano Feykon iyo qori AK47 ah oo uu watay horjoogaha howlgalka lagu dilay. Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

SAFAARADDA MARAYKANKA EE MUQDISHO OO BEENISAY….

Next
Next

QALAB ISRAEL LEEDAHAY OO LAGA HELAY JASIIRADDA SUQATRA’A.