RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFDI REER CIRAAQ AH.
(SAWIRKA)-XAFIISKA RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi ka socda dowladda Ciraaq. Kulanka dhexmaray Raysal Wasaaraha iyo wafdiga ka socda Ciraaq oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha amniga ee dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa looga hadlay iskaashiga dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab. Waxaa sidoo kale dhinacyadu kulankooda ku wadaageen is dhaafsiga khibradaha la xariira la dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo horumarinta maalgashiga, gaar ahaan sida kaluumeysiga, Tamarta, Beeraha iyo Xoolaha. Raysal Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartay in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, islamarkaana loo balaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq. Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sanadahii ugu dambeeyay sare u qaadeysy xiriirka diblomaasiyadeed oo ay la leedahay dalalka caalamka, islamarkaana dib uga soo muuqaneysay fagaarayaasha caalamka. Dhinaca kale,Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 47-aad guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa deegaanka Deynuunaay iyo deegaano hoostaga ka fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab. Howlgaladaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda ee Gobolka Baay, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuu Khaalid (Yaxye), waxaana goobta lagula dilay Ku xigeenkiisa oo aanan la shaacin magaciisa iyo maleeshiyaad kale oo ilaalo u ahaa. Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga fuliyeen tuulooyin ay ka mid yihiin Buul dooro, Kor Ing Roogi, Dhambalka iyo Buur Rooring oo ah dhamaantood tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay. Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow) ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgaladaan ay qeyb ka yihiin howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Baay. Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha in howlgaladaan ay qayb ka yihiin dadaalada dowladda Fedaraalka ku dooneyso in kooxda Al-shabaab kaga ciribtirto guud ahaan dalka, gaar ahaana deegaanada Gobolka Baay.
XIGASHO-HOL.