NATIIJADA DUQA MINNEAPOLIS OO MAANTA LA SHEEGI DOONO.

(SAWIRKA)-MUSHARIXIINTA MINNEAPOLIS.

(MINNEAPOLIS/MINNESOTA)-Wararka laga helaayo magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegaayo in Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey uu raadinayo markii saddexaad, laakiin sababta oo ah magaaladu waxay adeegsataa codbixin door ah taasoo u oggolaanaysa codbixiyaasha in ay ku darajo ilaa saddex musharax ee codadkooda liiska tartamayaasha ayaa dheer. Saddex Musharrax, si kastaba ha ahaatee, ayaa soo jiitay dareenka Sen. Omar Fateh State, Ganacsade Jazz Hampton, iyo Wadaadka DeWayne Davis. Sida Frey, saddexduba waa xubno ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor Party Xisbiga Minnesota ee ku xiran Xisbiga Dimuqraadiga. Seddexda Musharax ee ilaa hadda Hogaamineysa Tartanka Duqa magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ilaa hadda waxaa hogaaminaayo Musharax Jacob Frey oo ah ninka hadda xilka haayo,waane markii seddexaad ee uu u tartamaayo Duqa magaaladda Minneapolis. Cumar Faatex,oo ah wiil Soomaaliyeed oo 35-jir ah,hadana ah Senitar ka tirsan Baarlamaanka Goblka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa isagan ka mid ah Musharaxiinta raadineysa xilka Duqa Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka. Musharaxa seddexaad ayaa ah Dewayne Davis. Hadaba seddexdaan Musharax ayaa ilaa hadda codadkii la tiriyey waxa ey kala heleen:

(1)-Jacob Frey,waxa uu helay 61,340-Cod, ahne 41.7%

(2)-Cumar Taatex,waxa uu helay 46,510-Cod,ahne 31.6%

(3)-Dewayne Davis,waxa uu helay 20,383-Cod ahne 13.9%.

Doorashada Duqa magalaadda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid aad u adag waxa eyna Natiijada noqon doontaa mid maanta oo Arbaca ah la soo saari doono sida ey sheegeen Gudiga Doorashooyinka bacdamaa uusan Musharixiinta midkood uusan gaarin 50% codadkii la tiriyey. LA SOCO NATIIJADA.

ISHA-WAKAALADOO.

Next
Next

DG PUNTLAND OO SHEEGTAY INEY SAMEYSANEYSO VISA.