RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA TURKIGA IYO MADAXA SHIRKADA FAVORI.
(SAWIRKA)XAFIISKA RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,uu maanta oo Sabti ah la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan Madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Madaxa Shirkadda Favori ayaa Raysal Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta Garoonka, waxana ay xuseen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada Garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah. Raysal Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in Garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah. Raysal Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd. Dhinaca kale, Raysal Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka Daahfuray kulan ku saabsan adeegga ay Dowladdu siiso Bulshada isaga oo xusay in Shirkan uu muhiim u yahay dib-u-habaynta iyo isla xisaabtanka ku aaddan in bulshada la gaarsiiyo adeeg hufan. Raysal Wasaare Ku xigeenka ayaa tilmaamay in hadafka shirka laga leeyahay uu yahay sidii Muwaadiniinta loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin, si gaar ahna isha loogu haayo dadka ku nool Goobaha Fog-Fog ee Miyiga. Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Ganacsatada iyo Maalgashatada ku dhiirri galiyey in ay door firfircoon ka qaataan hormarinta adeegyada dadwaynaha si loo gaaro hormar bulsho.
XIGASHO-SNTV,