GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDYO LA HORKENAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA BJFS.

(MUQDISHO)- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad,waxaane kulanka maanta soo xaadirtay xildhibaano dhan ilaa 142-Xildhibaan, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye ku -xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyey Mooshin ama soo Jeedin ku saabsan in maalinta 14-ka October loo aqoonsado maalinta Xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayay uu sheegay in dooda soo jeedinta Xildhibaanadda dib loo dhigay, islamarkaana maalinta Isniinta ah laga doodi doono. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Hanaanka lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka dib U eegista sharciga la dagaalanka Burcad badeedka iyo ka hortaga afduubka sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April sanadkii 1975-kii, waxaana xildhibaanadda Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada Hindise sharciyeedyadan iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh Hindise sharciyeedyadan in ay kusoo daraan dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan golaha si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo. Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka macaamilka danabeysan, Hindise Sharciyeedka Dembiyadda Kufsiga iyo Anshax Xumada kale iyo Hindise Sharciyeedka Wax-kabedelka Qeybta lixaad ee sharciga Iibka Qaranka 2016.

XIGASHO-SNTV,

Previous
Previous

SOOMALILAND MA HELI KARTAA AQOONSI CAALAMIA AH?

Next
Next

RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA TURKIGA IYO MADAXA SHIRKADA FAVORI.