RW-XAMSE OO ISKU SHAANDHEYN CUSUB SAMEEYEY.
(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA EY SAAMEY ISKU SHAANDHEYNTA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu maanta oo Axad ah sameeyey isku shaandheyn kooban Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Isku shaandheyntaan ayaa ah mid saameyneyso laba Wasaaradood kalana ah Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibadda iyo Reysal Wsaaare Ku Xigeenka labaad ee XFS. Sida aan horay idiinla wadaagnay todobaadkii hore ayaa waxaa la soo sheegay in isku shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiiradda XFS iyo Hayadda NISA,arrintaan ayaa si aad waxa ey u qabsatay baraha bulshada ey Soomaalidu aadka u isticmaasho,hadaba maanta sidee ayey wax u dheceen? Isku shaandheynta cusub ayaa u dhacday sidan: (1)-Reysal Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS ayaa waxa loo magacaabay Md.Xildhibaan Jibriil C/rashiid Xaaji, waxa uu Jibriil horay u ahaa Wasiirka G/dhiga ee XFS. (2)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka ayaa waxaa loo magacaabay Md.Xildhibaan C/salaam Dhaay, waxa uu horay u ahaa Reysal Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee XFS. (3)-Wasiirka G/dhiga ee XFS waxaa loo magacaabay Md.Amb. Axmed Macallin Fiqi, waxa uu horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah. Isku shaandheyntaan ayaa saameyn doonto xilka uu hadda haayo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Xildhibaan Isaaq Mursal,waayo waxa ey isku weel yihiin Md.Xildhibaan Wasiir Dhaay,arrintaan ayaa ka hor imaaneyso awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee ah (4.5).
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.