RW-XAMSA OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY…
(SAWIRKA)-RW-XAMSA OO GAARAY DOOLOW.
(GEDO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Gobolka Gedo ee Garbahaarey maamulka Jubaland ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xamsa Cabdi Barre uu maanta oo Isniin ah gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo,RW-Xamsa ayaa halkaasi u tegay si uu ugu kuurgalo xaaladda Bani’adnimo ee halkaasi ka jirta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay Daadadkii ku soo Rogmaday degamada Doolow iyo tuulooyinka hoos yimaado. Reysal Wasaare Xamsa iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee maamulka Jubaland Md.Maxamuud Siyaad iyo masuuliyiin kale kana tirsan maamulka Jubaland.
ISHA/HIIRAAN.