RW-AMSE OO QAABILAY SAFIIRKA JARMALKA EE SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-XAFIISKA REYSAL WASAARE XAMSE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya,Sebastian Groth, oo ey ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Raysal Wasaare Xamsa, ayaa Safiirka la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ey ka mid yihiin Kalluumaysiga, Warshadaha, iyo Xoolaha, kuwaasoo ey muhiim tahay iney dowladda Jarmalku maalgashato, si ey uga wada faa’ideystaan labada dowladood. Safiirka Jarmalka, Sebastian Groth, ayaa dhankiisa sheegay iney dowladda Jarmalka ey Soomaaliya ku samaysan doonto maalgashi dhinacyo badan leh, dhowaanna ey dalka imaan doonaan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Horumarinta iyo Dhaqaalaha Dowladda Jarmalka.