MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE BJFS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa uuna Madaxweynuhu ka hadlay guulaha laga gaaray Sugidda Amniga iyo dib u xoreynta dalka, Kobcinta dhaqaalaha, Xasilloonida Siyaasadda,Xallinta khilaafaadka iyo xiriirka Caalamiga ah. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamud ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda oo ey la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad, isaga oo u rajeeyay iney si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan Dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta Dowladnimada. "Barlamaanka 11-aad, waxaa sharaf iyo ammaan u ah inuu ku dhiiraday qabyo-tirka Dastuurka oo ahayd howl la dib dhiganayay laga soo billaabo Barlamaankii 9-aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socdo, in aad tihiin kuwii ku dhiiraday dhammaystirka Dastuurkeenna. Waxaan rajaynayaa in Kalfadhigaan lagu dhammaystiro qabyo-tirka Dastuurka qeybaha harsan." Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey Guulaha Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed oo ey ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ey uga go'an tahay Xoojinta Dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. “Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya Qodista Shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ey ka mid yihiin Jidadka, Garoomada Dayaaradaha, Dekadaha oo lagu daray Saldhig laga gano Dayax-gacmeedyada, oo ah kii ugu horeeysay ee Qaaradda Africa laga dhiso”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay iney ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran. “Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday iney qayb ka noqdaan geeddi-socodka Xasilinta Siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas'uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadino, waana kusii soconaynaa wadadaas Alle idankii”.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

RW-AMSE OO QAABILAY SAFIIRKA JARMALKA EE SOOMAALIYA.

Next
Next

SANNADKII 2024-KII WAXAA GERMAL-KA LAGA TARXIILAY 20-KUN QOF.