REYSAL WASAARE XAMSE CABDI BARRE OO ISKU SHAANDHEYN KU SAMEEYEY AGAASIMEYAAL.

(SAWIRKA)-RW.XAMSE CABDI BARRE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabis isweeydaarin/isku bedel ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday. Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Agaasimeyaasha hoos ku xusan:

(1)-Mudane Yuusuf Cali Maxamed

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Waxaa laga soo bedlay Wasaaradda Amniga Gudaha.

(2)-Mudane Maxamed Saney Dalmar

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada, Waxaa laga soo bedelay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa.

(3)-Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, W axaa laga soo bedelay Wasaardda G/Dhiga.

(4)-Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, waxaa laga soo bedelay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

(5)-Mudane Yuusuf Xasan Isaaq(Wadani).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Waxaa laga soo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

(6)-Mudane Maxamed Xasan Shire

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaa laga soo bedelay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

ISHA-XAFIISK REYSAL WASAARAHA.

Previous
Previous

XULKA K/CAGTA TALYAANIGA OO MARKII SEDDEXAAD KA HARAY TARTA..

Next
Next

GEERI NAXDIN LEH: PROF.CALI JIMCAALE AXMED OO KU GEERIYDAY MARAYKANKA.