GEERI NAXDIN LEH: PROF.CALI JIMCAALE AXMED OO KU GEERIYDAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-AUN-PROF.CALI JIMCAALE AXMED.
(WASHINGTON/USA)-Barbaarnimadii, Barashadii iyo Beryihii Buuni Cali Jimcaale Axmad (1958 - Maarso 31, 2026).
W.D. Bashiir M. Xersi 'Ina Cubtan'
Buuni Cali Jimcaale Axmad waxa uu ku dhashay magaalada Xamar, degmada Yaaqshiid. Buuni Cali dugsiga quraanka wuxuu ku qaatay dugsiga Macallin Maxamuud, halka dugsigiisa hoose uu ahaa dugsiga hoose/dhexe ee Shibbis, sida kale, dugsiga dhexe iyo sare uu ku kala dhigtay dugsiga dhexe ee Bartamaha iyo dugsiga sare ee 15ka May. Buuni Cali, walaalkiis, Maxamuud ‘Faradar’, oo xiriir wacan la lahaa aqoonyahannadii xilligaa, sida RW danjire Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’, ayaa ku habay jacaylka aqriska, isaga oo habeen walba ku tirtirin jiray in ay aqriyaan isaga walaalihiis ugu yaraan 50 bog sida wargeysyadii markaa dalka laga heli jiray oo uu ka mid ahaa “Daily Nation” ikk. Buuni Cali Waxbarashada Jaamacadeed wuxuu ku qaatay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole, isaga oo takhasuskiisu ahaa waxbarasho, si gaar ah afafka: English/Somali. Sida weli haysata badi ardada wax ku barata dalka gudihiisa, waxbarashada sare duruufta ku xeeran darteed ayuu Buuni Cali Waxbarashada Masterka iyo PhD u aaday dalka Maraykanka, isaga Jaamacadda University of California, Los Angeles “UCLA”, ka qaatay labadaa maragfur (shahaado). Waxa uu bartay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska galaan / qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda. Dhanka kale, buuni Cali Jimcaale Axmad wuxuu Borofaysar wax ka dhigi jiray Queens College, oo ka tirsan Jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxa uu muddo badan jaamcaddaa ka ahaa madaxa qaybta Isbarbardhigga Suugaanta (Comparative Literature); waxa uuna dhigayey suugaanta Afrika, Yurub, Maraykanka, Aasiya iyo tan Caalamka Islaamka. Markaa hubaal, buuni Cali Jimcaale Axmad waa: “Hormuudka Suugaanta Soomaalida” Sida kale waxa uu qoray buugaag, curiyey maansooyin misana falkiyey sheekooyin ku qoran af Ingiriisi iyo Soomaaligaba, waxaana buugaagtiisa ka mid ah:
- The Invention of Somalia 1995
- Silence is not Golden 1995, oo ay wada qoreen Taddesse Adera, ahaana qoraa caalamiya oo geeriyooday.
- Daybreak is near 1997
- Fear is a Cow 2002 (Waa gabayo ku qoran afka Englishka)
- Diaspora Blues 2005 (Waa gabayo ku qoran afka Englishka)
- The Road Less Traveled 2008 (Waxa ay wada qoreen Taddese Adera)
- When Donkeys give birth to Calves 2012 (waa gabayo ku qoran afka Englishka)
- Gaso, Ganuun iyo Gasiin (Laashin, 2018)
Sida kale, waxa uu leeyahay sheekooyin gaagaaban oo af Ingiriis ku qoran sida: A proclivity for Sueing, Crocodile Tears, Litigant, Shrinkology, iqk.
Dhanka wargaysyada Buuni Cali Jimcaale wuxuu ka mid ahaa aasaasayaasha iyo tifaftirayaasha Warsidaha caalamiga ah ee “Journal of Somali Studies” (JOSS) oo ka soo baxayey dalka Ingiriiska. Sidoo kale waxa uu wax ku qori jiray wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray sida, Baraha (Kulliyadda Lafoole), Codka Xalane (Wargeyskii Dhibbowga), Heegan iyo kii ugu caansanaa ee Xiddigta Oktoobar. Buuni Cali Jimcaale Axmad waxa kale oo uu wax ku qori jiray tifaftire guudna ka soo noqday Journal of African Studies (UFAHAMU) oo ka soo bixi jiray University of California, Los Angeles. Sidoo kale, Buuni Cali, waxa uu ka soo shaqeeyay oo uu bare ka soo noqday: dugsiga sare ee 15ka May, Kulliyaddii Luqadaha ee JUS. Waxa kale oo uu (gellinle) Part-Time ahaan u la soo shaqeeyay SONNA iyo Raadiyow Muqdisho oo uu ka soo deyn jiray barnaamij aad loo jeclaa oo la dhihi jiray “Qoraalka iyo Qoraaga”. Si la mid ah ayuu Raadiyow Muqdisho u diyaarin jiray barnaamijkii “Soomaalida Maanta”, kaas oo uu ku diyaarin jiray afka Ingiriiska, isaga oo xilligaas ahaa arday dhigta fasalka 1aad ee dugsiga sare. Buuni Cali, waxa uu qoraallo badan ku qoray Wargeysyo caalami ah, wuxuuna ahaa qof si weyn looga qaddariyo maxfallada aqoonta suugaanta caalamka. Dhanka kale, buuni Cali wuxuu ku hadli jiray afafka: Soomaali, English, Arabi, Sawahili, Talyaani, Spanish, Faransiis iqk. Maansooyinka buuni Cali, ee ku qoran af Ingiriiska waxaa loo turjumay afafka ay ka mid yihiin: Jabbaanka, Boosniyaanka, Bortiqiiska Baraasiil, Turkishka, Faransiis, iqk. Aqoontaas ballaaran iyo ogaalkaas fidsan ka sokow, buuni Cali Jimcaale Axmad, waa qof dabacsan, tixgelin badan, dadku isugu mid yihiin, oo yar iyo weyn, in ay u siman yihiin ka sokow, isku si u la dhaqma, haddana, deeqsi ah. Buuni Cali wuxuu ku geeriyooday dalka Maraykanka (Maarso 31, 2026). Ebbe ha u raxmado. Aamiin Yaa rabbi. Bahda Warbaahinta Suuqbacaad Media.com, waxa ey si gaar ah tacsi ugu direysaa ehelkii iyo qaraabadii Prof.Cali Jimcaale oo ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibadaiisa. Bogga Suuqbacaad Media.com waa mid saldhigiisu yahay Waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid, halka Prof.Cali Jimcaale uu ka soo eedo Waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid, waane shaqsi ey si fiican u yaqaaniin reer Yaaqshiid gaara ahaan labadaan Waaxood ee deriska ah.
XIGASHO-XARUNTA DHAQANKA IYO SUUGAANTA FAARAX SHUURIYE.