REYSAL SAALAX OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRE KINGS.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARE SAALAX.

(MUQDISHO)-Raysal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Xfiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaasoo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, Doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda Horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya. Raysal Wasaare Ku-Xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay ka mid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin Qof iyo Cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan Madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo ka mid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka. Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saamileyda Siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, Horumarinta Amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUD.MUUNGAAB OO BOOQDAY SUUQBACAAD DABKII KA DIB.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY SAFIIRO KALA DUWAN.