MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY SAFIIRO KALA DUWAN.
(SAWIRK)-MADAXTOOYADA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ka guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, South Korea, Mauritania, iyo Ciraaq. Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey Safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ey Soomaaliya la leedahay dalalkan. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku boorriyey Safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan. Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga ayaa kala ah:
• Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya
• Robert Ifriyie – Safiirka Ghana
• Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast
• Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico
• Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela
• Kang Hyundshik – Safiirka South Korea
• Hussein Deh – Safiirka Mauritania
• Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq
ISHA-SNTV.