QORSHAHA DFS EE DOORASHOYINKA HEER FEDERAAL MA U HIRGELI DOONAA?

(MUUQAALKA)-SANDUUQA DOORASHADA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa maanta la filayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaaciso jadwalka doorashada heer federaal, oo ka kooban doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doorashadan ayaa dowladda ku tilmaantay mid ku saleysan nidaamka qof iyo cod, hase yeeshee waxaa si weyn uga soo horjeeda xubnaha mucaaradka oo qaba diidmo la xiriirta hannaanka doorashada iyo sida loo maareynayo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu guddiga doorashooyinka ku wargeliyay inay ku dhawaaqaan jadwalka doorashada, iyadoo tallaabadan ay imaaneyso xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Mucaaradka ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada, waxaana la sugayaa tallaabada ay qaadi doonaan haddii dowladda ay ku dhawaaqdo jadwalka iyada oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin tabashooyinkooda. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda ay raadineyso ururro siyaasadeed oo la tartama Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa intaas ku daraya in malaayiin doolar loo qorsheeyay kharashaadka doorashada, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta miisaaniyadda. Su’aasha ugu weyn ayaa ah sida ay mucaaradku uga falcelin doonaan ku dhawaaqista jadwalka doorashada iyo in tallaabadaasi horseedi doonto cadaadis siyaasadeed, kulamo wadatashi ama dadaallo kale oo lagu doonayo in dowladda lagu qanciyo inay heshiis la gaarto dhinacyada ka soo horjeeda. Ilaa hadda, si rasmi ah looma shaacin tallaabo mideysan oo mucaaradku qaadi doonaan, waxaana la sugayaa hadallada iyo go’aannada ay soo saaraan saacadaha soo socda.

ISHA-RISAALA.

Next
Next

SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH IYO TALIYAHA CIIDANKA SL OO KULMAY.