LAALUUSH DHAN $170-KUN OO DOOLAR OO LA SIIYEY SARAAKIISHII JOOGTAB/HAKABA.

(MUUQAALKA)-HOGAAMIYEYASHA DAGALKA KGS.

(BUURHAKABA/KGS)-Aroornimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ayaa koox u huwan waxa ey soo weerartay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay DG KGS, weerarka ayaa ku bilawday Qaraxyo iyo weerar fool ka fool ah oo dhexmaray kooxdii soo qaaday weerarka iyo ciidamaddii DFS ee halkaasi ku sugnaay. Dagaalka ayaa la sheegay inuusan socon wax ka badan saacad,waxaane degmada gebi ahaanba la wareegay kooxdii huwanta ahayd ee ka amar qaadato Madaxweynihii hore ee KGS Mudane C/casiis Laftagareen. Kooxdaan huwanta ah ayaa isugu jirta ALshabaab iyo Ciidamaddii Daraawiishtii KGS ee uu tababaray Ingiriiska, waxa eyna weeraro aan kala go’o lahayn ku haayeen caasimadda ku meel gaarka ah e DG KGS ee Baydhabo balse markaan waa ey bedeleen jihada dagaalkood ka dib markii ey qabsan kari waayeen Baydhabo,waxa eyna bilaabeen iney si tartiib ah u soo qabsadaan degmooyin ey ka mid tahay degmada Qansax dheere. Hadaba kooxdaan huwanta ah ee isugu jirta ALshabaab iyo Daraawiishtii KGS yaa u sahlay iney degmooyinka Qansax dheere iyo Buurhakaba ey si fudud ku qabsadaan? Waxaa jiray shir dhawr todobaad ka hor ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta kaaso ey ka qeybgaleen masuuliyiin Mucaarad ku ah DFS, kuwaaso ka koobnaay Xubno ka socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee uu hogaaminaayey Shekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Somaliland Cirro, Jubaland Madoobe iyo Puntland Deni. Shirkaas ayaa waxaa lagu soo kala qaatay qodobo ey waajib tahay in la fuliyo si wax weyn looga qabto DFS ee uu hogaamiyo Dr.Xasan Sheekh Maxamuud,waxyaabaha lagu soo heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah: (1)-In Madaxweynaha DG Puntland uu ku dhawaaqo inuu ka goosto Soomaaliya sida ey horay u sameeysay Somaliland, taaso loo arko iney culeys ku tahay dawladda uu hogaamiyo Mw-Xasan Sheekh Maxamuud. (2)-Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaa loo xilsaaray inuu si buuxdo oo aan hagar lahayn ula shaqeeyo Madxweynihii hore DG KGS ee hadda duurgalka ah Md.C/casiis Laftagareen,una sahlo dhammaan waxyaabaha uu u baahan yahay sida hubka iyo saanadda uu u baahan yahay inta uu ku jiro dagaalka uu kaga soo horjeedo DG KGS. (3)-Ex-Mw-Shariif, waxaa loo soo xil saaray inuu caasimadda Muqdisho uu ka sameeyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo liddi ku ah DFS si beesha caalamka ey arrinka si deg deg ah u soo farageliso,taasne waa uu isku dayey sheekha. (4)-Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro, isaga waxaa loo xilsaaray inuu garab istaag weyn u muujiyo Mw-Deni inta uu ku jiro ololaha looga soo horjeedo DFS. Dawladaha Imaaratka iyo Kenya ayaa ah kuwa iyaguna door fiican ku leh arrinta dagaalka KGS ka socdo, waxaane jiro gudi dhisan kaaso u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha lagu taakuleynaayo Laftgareen,gudigaas ayaan ka kooban seddex masuul oo kala socdo dawladaha Soomaaliya oo uu metelaayo Wiil uu dhalay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaaratka Carabta uu metelaayo Diblomaasiga Imaaraatka u qaabilsan Bariga Afrika iyo masuul ka socdo DG Jubaland. Gudigaan dhaqaalaha ayaa hawswhooda si muuqata u bilaabay ka dib markii Laftagareen ey u suurtageliweysay inuu xoog ku qabsado Baydhabo,waxa eyna bilaabeen iney Laftagareen ku wargeliyaan inuu keeno xeelad ka gedisan midda hadda uu isticmaalaayo ee ah dagaalka. Laftgareen oo kaashanaayo odayaal dhaqameed gacan saar fiian la leh kooxda ALshabaab ayaa soo saaray qorshe ah in marka hore ALshabaab iyo ciidamadda Daraawiisha KGS si isla mid ah u hawlgalaan iyo in odayaasha gudaha degmooyinka joogo ka shaqeeyaan kala furfuridda ciidamadda DFS iyadoo aan meesha laga saareen kaalmeysiga ciidamadda Nabad ilaalinta Itoobiya oo iyaguna qeyb ka ah qorshaha ey wado Imaaraatka Carabta. Degmada Qansax Dheere, ayaa laga fuliyey hawlgalkii ugu horeeyey ee kala fururidda ciidamadda DFS ee ka hawlgala degmooyinka DG KGS, waxaane dhacday in ciidamadda Daraawiishta KGS oo kaashanaayo ALshabaab ey si fudud oo aan iska caabin lahayn u qabsadaan degmada Qansax Dheere,taasne waxa ey kooxda huwanta ah ku dhalisay iney degmooyin kale uga sii gudbaan degmada Qansax Dheere. Degmada Buurhakaba,waxaa ku sugnaay ciidamadii ugu badnaay ee ka tirsan XDS kuwaso ka yimid Baydhabo ka dib markii Laftagareen isaga baxay halkaas. Ciidamadaan joogay Buurhakaba waxaa hogaankooda haayey saraakiil u dhaatay degaanka uu ka mid yahay Sandheere iyo gudoomiyaha degmada Buurhakaba Laysaanaw, dagaal kooban ka dib labadaan masuul waxa ey galeen xeradda ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Buurhakaba,waxaane dhacaday in ciidamadii iney ka niyad jabaan dagaalka sidaas darteedne qaarkoodna la dilo kuwa kalane maaxbiis ahaan loo kexeysto. War lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo in Sandheere iyo Laysanaw ey qaateen lacag dhan ilaa $170-kun oo doolarka Maraykanka ah, iyagana in la geeyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo maalmaha soo socdo si ey halkaasi uga sii aadaan magaaladda Nayrobi ee dalka Kenya. Dagaalka maanta ka dhacay Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay ilaa 70-qofood una badan dad rayid ah, waxaane ku dhaawacantay 30-qofood halka la la’ayahay ilaa 8-qofood, waxaane jirto in ALshabaab ey gudaha magaaladda ku toogteen askar iyo saraakiil ka tirsan hayadda NISA kuwaaso qaarkood guryahooda lagala soo baxay. Hadaba su’aasha taagan ayaa ah DFS miyey ka hortegi doontaa ololahaan dufaanta ah ee ka socdo degaanadda KGS?

QORE/Axmed M.Xuseen(Wiish)-

Next
Next

QORSHAHA DFS EE DOORASHOYINKA HEER FEDERAAL MA U HIRGELI DOONAA?