QODOBADDA HESHIISKA ISRA’IIL IYO XARAKADDA XAMAAS.

(SAWIRKA)-MW-TRUMP.

(EGYPT)-Iyadoo Xukuumadda Israa’iil ey ansixisay wejiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Gaza subaxnimadii Jimcaha, ayaa la filayaa in ey bilaabato muddo 72 saacadood ah oo ey ciidammada Israa’iil dib ugu laaban doonaan goobo hore loogu heshiiyey. Labada dhinaca ayaa waxa dhexmari doono Maxaabiis isdhaafsi, Si faahfaahsan, sida ku cad dukumentiga lagu saxiixay magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar, ka dib afar maalmood oo wadahadalo aan toos ahayn ey dhex martay Israa’iil iyo Xamaas oo eyna korjoogayaal ka ahaayeen Masar, Qatar iyo Maraykanka, iyo sidoo kale ka-qaybgalka Turkiga, waxa la filayaa sida soo socota:

(1)- Marka hore in si deg deg ah dagaalka loo joojiyo, gabi ahaana la joojiyo howlgalada cirka, dhulka iyo madaafiicda, iyadoo ey harsan tahay oo kaliya diyaarado sahamin ah si loola socdo fulinta.

(2)- Gargaarka bini'aadantinimo oo buuxa, oo si caalami ah loola socdo ayaa maanta bilaabaya inuu galo Gaza, iyadoo kolonyada gaashaaman ey si toos ah u kormeerayaan Qaramada Midoobay iyo Laanqayrta Cas, muddo aan ka yarayn 72 saacadood oo xiriir ah oo aan la joojinayn.

(3)- Bilawga ka bixitaanka milatariga Isra’iil ee gunta hoose ee Gaza ilaa xuduudo hore loo go'aamiyay, oo ey ku jiraan ka bixitaanka Waqooyiga iyo Bartamaha Marinka Gaza oo la geeyo meelo nabdoon oo ka dambeeya khadad cayiman.

(4)- In la sii daayo dhammaan Maxaabiista Israa’iil ee lagu haysto Gaza, beddelkeedana la sii daayo Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo gaar ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil. Hawlgalka ayaa la fulin doonaa iyada oo aan si toos ah loo tabin warbaahinta si loo ilaaliyo sirta habraaca iyo badbaadada fuliyeyaash. Laanqayrta cas waxay la socon doontaa hawlgalka dhulka oo keliya, waana hay'adda keliya ee loo oggolaaday iney ku wargeliso dhexdhexaadiyeyaasha wixii cillad ah. Daabacaadda sawir kasta ama duubid waa mamnuuc ilaa hawlgalka si buuxda loo dhammeeyo.

(5)- La haystayaasha nool ayaa marka hore la sii dayn doonaa, 72 saacadood gudahooda marka ey ogolaato dawladda Israa’iil, halka Meydadka la soo wareejin doono qaybta labaad, iyadoo kooxaha Caafimaadka iyo Injineernimada ee Masar iyo Qatar ey gelayaan Gaza si ey u sugaan Ammaanka waddooyinka. Sarkaal Falastiini ah ayaa shalay sheegay in "la haystayaasha Israa'iil ee nool la sii dayn doono iyadoo lagu beddelayo ku dhawaad ​​2,000 oo Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ey haysato Israa'iil, iyadoo lala kaashanayo ka bixitaanka Israa'iil ee Gaza iyo gelitaanka gargaar bani'aadamnimo oo dheeraad ah." Ma uusan carabaabin halka ey ku danbeyn doonaan la haystayaashii dhintay, sida ey sheegtay Wakaalada Wararka ee France-Presse.

(6)- Sameynta qol isku-dubarid wadajir ah , oo ey ku jiraan wakiillo ka socda Masar, Qatar, Turkiga, Mareykanka, Israa'iil, iyo Xamaas, si ey ula socdaan dhammaan xadgudubyada suurtagalka ah saacad kasta. (Tani waa markii ugu horeysay ee magaca Turkiga si rasmi ah loogu xuso ka qaybqaatayaasha fulinta, ma aha kaliya kormeere.)

(7)- 72 saacadood gudahood ka dib marka uu heshiiska dhaqan galo, Israa’iil waxay bilaabi doontaa iney sii deyso “magacyo gaar ah oo ku xukuma xabsiyo dhaadheer”, Xamaas waxay xaqiijisay iney tani u aragto calaamad muujinaysa niyad wanaag wejiga labaad.

KA DIB 24-SAACADOOD OO XAQIIJIN AH:

Wada-xaajoodayaasha Maraykanku waxay filayaan in wejiga xiga uu noqdo xabbad-joojin nus-joog ah halka arrimaha kale laga wada xaajoodo oo laga hadlo, oo ey ku jiraan sida Gaza loo maamuli doono, NBC ayaa werisay. Waxaa xusid mudan in afhayeenka xukuumadda Israa’iil Shosh Bedrosian uu shalay ku dhawaaqay “heshiisku ma dhaqan geli doono ilaa 24 saac ka dib marka ey dawladdu ogolaato”. Waxay sharaxday in sida uu dhigayo heshiiska, Xamaas ey ku qasban tahay iney "sii dayso dhammaan la haystayaasha, nool iyo kuwa dhintay, ugu badnaan 72 saacadood gudahood ka dib marka ey xabbad-joojintu dhaqan gasho, ie, maalinta Isniinta." Waxa ey intaa ku dartay in 24 saac gudahooda marka ey dhaqan gasho xabad joojinta ey ciidamada Israa’iil ka bixi doonaan meelaha qaar ee la geynayo, balse ey sii wadi doonaan maamulka 53% ee marinka Gaza. Ansixinta heshiiskan ayaa timid wax yar uun ka dib markii Israa’iil ey ku dhawaaqday in dhammaan dhinacyada ey khusayso ey Masar ku saxiixdeen wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Gaza,kaasoo uu daah ka qaaday bishii hore.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Next
Next

ISRA’IIL OO GAZA KU DISHAY AQOONYAHANO IYO WXGARAD KALE.