ISRA’IIL OO GAZA KU DISHAY AQOONYAHANO IYO WXGARAD KALE.
(SAWIRKA)-HORMUUD TAYEH.
(ISTAMBUL)-Marka laga soo tago burburinta Guryaha, Isbitaalada iyo Iskuulada, dagaalka Isra’iil ee Gaza wuxuu ku dhuftay xudunta nolosha caqliga Falastiin. Ugu yaraan 193 Aqoonyahan iyo Macalimiin ah ayaa la dilay, sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza, taasoo saraakiisha iyo khubarada Qaramada Midoobay ey ku tilmaameen isku day lagu doonayo in lagu tirtiro Aqoonta, Dhaqanka, iyo Hoggaanka deegaanka go’doonsan. "Bartilmaameedsiga Culimada iyo Aqoonyahannada waa Siyaasad nidaamsan oo lagu abuurayo madhan garaadka iyo dhaqanka muddada dheer, daciifinta hay'adaha qaranka, lagana xayuubiyo jiilalka mustaqbalka khibrad iyo aqoon urursan," Ismail al-Thawabta, Madaxa Xafiiska Warbaahinta Dowladda, ayaa u sheegay Wakaaladda warar Anadolu. Waxa uu sheegay in ololaha Israa'iil uu ujeedkiisu yahay "in la burburiyo Aqoonsiga Qaranka Falastiin, la takooro codadka muhiimka ah ee Madaxbannaan, iyo in la abuuro cabsi ku kicisa Aqoonyahannada aqoonta leh ee dibad-baxa." Xafiisku wuxuu sheegay in in ka badan 800 oo macalimiin iyo shaqaale waxbarasho ah sidoo kale la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 2023, isagoo hoosta ka xariiqay waxa uu ugu yeeray weerar ballaaran oo lagu qaaday Waxbarashada Falastiin.
AQOONYAHANADDA LA DILAY:
Khasaaraha waxaa ka mid ah qaar ka mid ah waxgaradka ugu caansan Gaza:
– Sufyan Tayeh, oo ahaa physicist, isla markaana Madax ka ahaa Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza, ayaa isaga iyo qoyskiisa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Jabaliya bishii December 2023.
– Adnan AL-Barsh, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta Lafaha ugu sarreeya Gaza, ahaana borofisar ku takhasusay caafimaadka, ayaa ku dhintay Xabsiga Israa’iil bishii May ka dib markii la xiray isaga oo ka shaqaynayay cisbitaalka AL-Cawda.
– Nasser Abu AL-Nuur, oo ahaa Madaxa kalkaalinta ee Jaamacadda Islaamiga, ayaa isaga iyo qoyskiisa lagu dilay weerar bishii February ka dhacay magaalada Rafah.
– Naciim Baruud, Madaxii fanka, ayaa isaga iyo qaraabadiisa lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday Xerada Qaxootiga ee AL-Shaati bishii Oktoobar 2024.
– Jihaad AL-Masri, oo ahaa maamulaha jaamacadda furan ee Al-Quds Open University ee Khan Younis, ayaa waxaa dilay dab ka kacay ciidamada Isra’IIl bishii Oktoobar 2023.
– Ahmed AL-DalUu, oo ahaa madaxii caafimaadka ee jaamacadda Falastiin, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Gaza oo ey ku dhinteen 43 qof oo qaraabo ah.
Ahmed Abu Cabsa, oo ahaa Madaxa Injineernimada ee Jaamacadda Falastiin, ayaa la dilay Diseembar 2023.
– Ibraahim AL-Astal, oo ahaa Madaxii Waxbarashada ee Jaamacadda Islaamiga, ayaa la dilay Oktoobar 2023.
– Taysir Ibrahim, Hoggaamiyihii shareecada iyo Qaanuunka, ayaa isaga iyo qoyskiisa la dilay Oktoobar 2023.
– Saciid AL-Zubda, oo Madax ka ahaa Kuliyadda Sayniska ee Jaamacadda, ayaa la dilay Diseembar 2023.
– Refaat AL-Career, borofisar Suugaanta Ingiriisiga ah, ayaa la dilay Diseembar 2023, toddobaadyo ka dib markii loo hanjabay online.
Geerida AL-Career ayaa si gaar ah u kicisay mawjado murugo ah oo soo kala dhex galay ardaydii iyo asxaabtiisii, kuwaas oo la wadaagay gabayo, muxaadarooyin iyo qoraalo uu baraha bulshada ku soo qoray oo ka waramaya xanuunka Gaza.
WEERAR LAGU QAADO WAXBARASHADA, AQOONSIGA:
AL-Thawabta waxa uu sheegay in istaraatijiyadda Israa’iil ey doonayso in ey burburiso oo keliya kaabayaasha jireed ee Gaza balse sidoo kale caasimadda bani’aadamka. "Tani waa weerar lagu qaaday maskaxda oo xambaarsan aqoonta iyo hoggaaminta," ayuu yiri, isagoo ka digaya dadaallada lagu aamusinayo codadka muhiimka ah, la baabi'inayo aqoonsiga dhaqameed, iyo in la hor istaago mashruuc kasta oo dib-u-dhiska mustaqbalka ah.
Waxa uu ku booriyay tallaabo caalami ah oo deg deg ah "si loo ilaaliyo caqliga Falastiiniyiinta iyo caasimadda aadanaha ka hor inta aanay goori goor tahay." Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ka digay in si ula kac ah loo beegsado Aqoonyahannada, Macallimiinta iyo Aqoonyahannada dhaqanka ey ka dhigan tahay dembiyo dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah. Kormeerayaashu waxay ka digayaan in dilka Aqoonyahannada Gaza ey halis u tahay in la aamusiyo jiilka hoggaamiyeyaasha fikirka Falastiiniyiinta, taasoo ka dhigaysa Jaamacado burbur ah iyo iney ka diidaan dhalinyarada la-taliyeyaal mustaqbalka ku hagi kara. Israa'iil ayaa Gaza ku dishay in ka badan 62,700 oo Falastiiniyiin ah tan iyo bishii Oktoobar 2023. Ololaha militariga ayaa baabi'iyay gobolka, kaasoo wajahaya macluul. Bishii November ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.
XIGASHO-AA.