QEYBTA BOOLISKA G/BANADIR OO SOO QABTAY RAGA DHAC GEYSTAY.

(SAWIRKA)-TUUGO LA SOO QABTAY.

(MOGADISHU)-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Dayniile, ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo caadaystay sida ay sheegeen dhaca iyo dhibaataynta bulshada degmada Dayniile.  Labadan eedeysane oo Booliiska Saldhigga Dayniile muddo ku daba jiray ayaa la qabtay iyaga oo falal dhaca ka geysanaya gudaha degmada kuwaasi oo la tilmaamay inay mari doonaan nidaamka Cadaaladda. Eedeysanayaasha oo kala ah D/le Maxamed Xasan Axmed (Abaaje) iyo Mursal Warsame Cabdi (Jiiska) ayaa hadda ku jira gacanta booliiska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo. Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Macalim Mahdi, ayaa bulshada ugu baaqay in haddii ay arkaan shaqsiyaad lid ku ah amniga iyo xasilloonida, ay la soo xiriiraan saldhigga ugu dhow si laamaha amaanka ay ugu suurta gasho in dadkaas laga qabto dhibaateeynta Bulshada ay ka dhex wadaan. "Booliiska Caasimadda wuxuu bulshada ugu baaqayaa in haddii ay arkaan shaqsiyaad lid ku ah amniga iyo xasilloonida, ay la wadaagaan saldhigga ugu dhow ama ay soo wacaan nambarka gaaban ee 991." ayuu ku yiri Macalim Mahdi Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidanka booliiska ee lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga falalka dambiyeed ee ka dhaca caasimadda Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MADAXWEYNE KU XIGEENKII YEMEN OO GEERIYOODAY.

Next
Next

PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY MAXAABIIS DAACISH AH.