PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY MAXAABIIS DAACISH AH.

(SAWIRKA)-MAXAABIIS.

(GARAWE/PL)-Puntland ayaa maanta soo bandhigtay qaar kamid ah maxaabiis ajaanib ah oo ka tirsanaa ururka Daacish, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Maxaabiista la soo bandhigay ayaa tiradoodu gaareysay ku dhawaad 50 maxbuus, kuwaas oo 18 kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Itoobiya, halka tirada labaad ee ugu badan oo gaareysa 11 maxbuus ay kasoo jeedaan dalka Morocco. Maxaabiista kale ee la soo bandhigay ayaa iyaguna kasoo kala jeeda dalalka Sacuudi Carabiya, Tanzania, Turkiga, Yemen iyo Suuriya. Puntland ayaa horey u sheegtay in buuraleyda Calmiskaad ay ku sugnaayeen in ka badan labo kun oo dagaalyahanno ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish. Waxay sidoo kale sheegtay in intii uu socday howlgalka Calmiskaad lagu dilay 600 illaa 700 dagaalame oo ka tirsan kooxda Daacish. Soo bandhigista maxaabiistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Puntland ay ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo gabagabeeyay howlgalka Calmiskaad, marka laga reebo tiro yar oo kamid ah firxadka Daacish oo weli ku dhuumaaleysanaya buuraleyda. Dagaalka Calmiskaad ayaa noqday kii ugu dheeraa uguna khasaaraha badnaa ee Puntland la gasho ururka Daacish, wuxuuna socday in ka badan hal sano. Puntland ayaa dagaalkaas ku weysay boqolaal askari iyo saraakiil, halka kuwo kalena ay ku naafoobeen. Puntland waxay sheegtay in aysan wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya intii uu socday dagaalka, balse waxay guusha howlgalka uga mahadcelisay Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Mareykanka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay duqeymaha cirka iyo taageerada saadka.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

QEYBTA BOOLISKA G/BANADIR OO SOO QABTAY RAGA DHAC GEYSTAY.

Next
Next

RW-XASME CABDI BARRE OO KHUDBAD KA JEEDIYEY CALEEMA SAARKA FIRDHIYE.