QAADASHADA BAASABOORKA SOOMAALIGA AH OO LA ADKEEYEY.
(SAWIRKA)-SHITKII HSJ IYO NIRA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caaasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ha ๐๐ฒ๐๐ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก waxaa halkaas ๐ฅ๐จ๐จ๐ a ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ช๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐จ๐๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐๐ก. Shirka Wada shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-Guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaciil Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, Lataliyayaal iyo Masโuuliyiin kale oo ka kala socday labada Hayโadood.
UJEEDOOYINKA UGU WAA WEYN EE KULANKA WAXAA KA MID AHAA:
โข Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada Baasaboorka
โข Dardargelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
โข Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
โข Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
โข Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hayโadood
GOโAAMO MUHIIM AH OO LA GAARAY:
โข ๐๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐-๐๐ ๐๐๐ฉ๐ญ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
โข ๐๐๐ ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ ๐-๐๐ ๐๐๐ง๐ฎ๐๐ซ๐ฒ ๐๐๐๐, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
โข ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐ก๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐๐๐ฌ, labada hayโadood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.
Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hayโad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka. Labada hayโadood waxay ku hawlan yihiin dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.
ISHA-SNTV.