MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LA TALIYE CUSUB.

(SAWIRKA)-LA TALIYAHA CUSUB EE MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf inuu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha. Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan Maamulka iyo Amniga Qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ey ka mid yihiin:

• Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaasoo uu hormuud ka ahaa dejinta Siyaasadaha guud ee Amniga, Dhaqaalaha iyo Dib-u-habaynta Dowladda.

•Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee Amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibbadeeda caalamiga ah.

•Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023–2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal. Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys Waayo-aragnimadiisa Amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey inuu doorkiisa ka qaato xoojinta Amniga Qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay Horumarinta Arrimaha Amniga Qaranka muddadii uu xilka hayay. Waxaa laga yaabaa in la isweydiiyo sababta keentay inuu is casilo La taliyihii hore Xuseen Macallin Maxamud,waayo waxaa jira hadallo fara badan oo la isla dhexmaraayey tan iyo markii maamulka Puntland uu afduubtay Markabkii MV SEA WORLD ee siday Hub loogu talagalay dugsiga Tababarka Ciidamadda ee TURKSOM kuna beegneed 18/7/2025-ka. Wararka qaarkood ayaa sheegaayey in Xuseen uu wax ka ogaay arrinta Markabka la afduubtay isagana uu bxiyey macluumaadkiisa siiyeyne dawlad kale oo xiriir wanaagsan la leh Dawlad Goboleedka Puntland,lama sheegin mid ey tahay iyo magaceeda midna,balse falanqeeyeyaasha ayaa farta ku fiiqay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE). In dalalka Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ey ka xaajoodaan Markabkii lagu afduubay Xeebaha Puntland bartamihii bishii hore ee Luuliyo ayaa iyana bixisay iney jiraan gacmo shisheeye oo ku lug lahaa arrinta afduubka markabka,waxaane la filaa inuu markabku soo gaaro dekedda Muqdisho dhawaan.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

QAADASHADA BAASABOORKA SOOMAALIGA AH OO LA ADKEEYEY.

Next
Next

AFRICOM OO YEELATAY TALIYE CUSUB,MUXUU SOMALILAND KA YIRI?