PROF.YAXYE CAAMIR OO KA HADLAY WAAN WAANTII MAANTA.
(SAWIRKA)-ODAYAL,SARAKIL IYO MASULIYIN.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Tan iyo saakay baraha bulshada waxaa la wedey hadalheyn ku aadan sida Ex.Mw.Sheekh Shariif Sheekh Axmed uga guuray Mirenaayo kuna gaaray gurigiisa ku yaalo kiiloomitir foor, dadka ka hadlaayey waxa ey intooda badan xusaayeen in Kolonyadii Shariifka gelbineysay lagu hakiyey bar koontarool kuna taalo degmada Shangaani ee G/banaadir isla markaasne lagala degay hub saarnaay gawaarida Shariifka. Warar kale ayaa iyagan sheegaayey in gawaaridda gelbineysay Shariifka qaarkood eysan leheyn wax taargo ah eyna saarnaayeen qoryo culus midaasne ey dhalisay in la joojiyo lana baaro. Hadaba Prof.Yaxye Sheekh Caamir kana mid ahaay aqoonyahanadii wehlinaayey Odayaashi dhaqanka ee saakay la kulmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waqti dambe oo maanta ah waxa uu bartiisa Facebook soo geliyey qoraal dheer uu kaga hadlaayo waxyaabihii uu la kulmay intii uu ku guda jiray waan waanta laga dhex weday DFS iyo Sheekh Shariif, qoraalka Prof.Yaxye Sheekh Caamir ayaa sidaan u qornaay: “Maalintii Nabad raadinta,Haddii aan kuu soo koobo. Maanta oo jimco aheyd, 5/6/2026 .Salaadii Subax ka dib waxaan aaday in aan ka qeyb qaato, waan waantii looga hor tagay Dagaal ka dhaco Deg/ Cabdi casiis. Maanta ma nasan waxaa Allaah Mahadiis ah in aan ku guuleeysanay Waan waantii. Weeysaqaadkii Salaadda Subax ayaa ku Tukaday Maqribkii. Ma sooneeyn laakin Soon waxba iima dhaamin wakhtina uma heeyn in aan wax cuno. Waxaan Aheeyn Guddi ka koobanaa 5 Qof oo iskood isku xilqaamay.
(1)-Imaam Daahir Imaam Maxmuud.
(2)-Ugaas Maxmuud Cali Ugaas.
(3)-Yaxya Sh. Caamir.
(4)-Jan.Ibrahim (Taliyaha Xooga Dalka).
(5)-Col. Xasan Cali Shuute. ( Maxkamadda Ciidamada).
Shanteena Midkeena cid u soo diratay ama la soo ballantay Dowlad iyo Mucaarad ma jirin. Waxaan La kulanay Madaxweyne Sh. Shariif, waxa uuna nagu yiri: “Wixii aad isku raacdiin waan idinka aqbalaa”. Waxaan tagnay Hotel Elite, Waxaa nagu soo biiray Sh. Cabdulqaadir Soomoow iyo Md. Cabdullahi Maxamuud Nur. Todobadeenii oo Imaamku uu noo shir gudoominaayo, waxaan isku raacnay Dhowr Qodob oo aan u aragnay in ay Xal tahay si looga hortago Colaad. Go'aanadii waxaan ula tagnay Madaxweyne Sh. Shariif. Si Deggan oo walaalnimo iyo Masuuliyadi ka muuqato ayuu nooga Aqbalay. Waxaa ka dibna nagu soo biiray Md. Ibrahim Kaah iyo Wabarka iyo Akhyaar kale iyagiina waa nala qaateen, ka dib waxaan u gudbinay Go'aanadii Dowladii iyadiina waa nagu raacday. ( intii aan Nabadeeyntaa ku guda jirnay mar mar waxaan Baraha Bulshada ku arkayay, war Been ah oo wixii aan goob joog u ahaa looga been sheegayo). Waxaan u soo dhaqaaqnay Gurigii Hore ee uu deganaa Sh. Shariif. Waddada intii aan soo soconay ayaa laba mar nala joojiyay, Sabata oo aheyd Gaaddiidkii aan sheegnay, Gaadiid ka badan ayaa na soo raacay. Markii dambe waa naloo ogolaaday in aan dhamaanteen soo gudubno. Si nabad ah ayaan dhamaanteen ku nimid Gurigii Madaxweyne Sh. Shariif. Si fudud ayaa Arrintii aan saakay u dhaqaaqnay Allaah noogu fududeeyay. Ka dibana Gurigeygii ayaan dib ugu soo noqday. Wixii aan Goob joog u ahaa wax ka duwan ayaan ku araky Baraha Bulshada, oo isla Anigii Goob joog u ahaa la ii sheegayo. Waxaan u mahad celinaa intii ka qeyb qaadatay Nabadeeyntaa Maanta,, Gaar ahaan Sh. Shariif oo Go'aanadii aan ula tagnay naga aqbalay. Allaah Dalkeena oo dhan nabad ha nooga dhigo. Aamiin, Aamiin, Aamiin. Qoraalkaasi waxa uu banaanka keenaya in beenta baraha bulshada taalo ey tahay tan wax kasta oo xaqiiqa ah been ka dhigeysa waayo Prof.Yaxye Caamir waxa uu sheegay inuu isaga goob joog ahaay beena looga sheegay wixii uu goobjoog u ahaay,taasi waxa ey muujineysa inaan baraha bulshada warkooda lagu kalsoonaan karin eyna tahay inaan la sii faafin.
ISHA-SB-MEDIA.