NUSOJ OO TABABAR U FURTAY SAXAFIYIIN SOOMAALIYEED OO JOOGTA MUQDISHA.

(SAWIRKA)-SAXAFIYIIN.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar ku saabsan ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta bulshada Muqdisho uga furay 32 ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta dalka. Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan NUSOJ iyo Dowladda Australia ayaa lagu kobcinayaa Xirfadaha Weriyeyaasha ka kala yimid Muqdisho iyo Gobollada dalka, iyadoo muhiimadd gaar ah la siinayo awoodda Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hortagga Wararka Been Abuurka ah iyo Marin-habaabinta ee loo adeegsado aaladaha Warbaahinta. Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in tababarkaan uu muhiim u yahay difaaca Runta iyo Hufnaanta Saxaafadda, isagoo xusay in wararka been abuurka ah ay khatar ku yihiin kalsoonida bulshada iyo xasilloonida dalka. Safiirka Australia u fadhiya dalka Kenya, Marwo Jenny Da Rin, oo qadka fogaan aragga ah(ZOOM) uga qayb gashay furitaanka tababarka ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dalkeedu uu taageero joogto ah siiyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xirfadooda warbaahineed. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka hawlgala Warbaahin aad u fara badan gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,warbaahintaan ayaa ah mid ey iska leeyihiin dad Ganacsata ah oo aan haba yaaraatee wax aqoon ah u leheyn Saxaafadda nuucyadeeda kala duwan balse ah macaash raadis,in Warbaahinta Maxaliga ah la isaga tebiyo Dacaayaddo raqiis ah waxaa ogol kuwa iska leh iyo inta ka shaqeyso ee u badan kuwa aan leheyn wax xirfad Saxaafadeed ah. Tusale ahaan Tv-ga Shabelle ee ka hawlgala magaaladda Muqdisho sooma tebiyo wax u dan ah dad degaanka Muqdisho ku nool bal waxa uu si dadban u taageeraa kuwa halaagooda wada rabana iney gubato magaaladda Muqdisho ee hadda lagy wada nool yahay,tusaale,Tv-ga Shabelle waxa uu buun buuniyaa wax uusan salkiisa xog ka hayn haddii Maxkamad lagu geeyana uusan iska difaaci karin,waxa uu soo waraystaa dad danyar ah waxa ey sheegayaana dhabnimadooda aan la xaqiijin jirin laakinse isaga u leh qiime gaar ah uu ku weerari karo DFS.

ISHA-SNTV+SBM-MEDIA.


Previous
Previous

CIIDAMADDA BOOLISKA QEYBTA G/BANAADIR OO SOO QABTAY 11-KIILO OO XASHIISH AH.

Next
Next

DAWLADDA TURKIGA OO QALAB CASRI AH GUDOONSIISAY WARFAAFINTA.