CIIDAMADDA BOOLISKA QEYBTA G/BANAADIR OO SOO QABTAY 11-KIILO OO XASHIISH AH.

(SAWIRKA)-11-KIILO OO XASHIISH AH.

(MUQDISGO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane si qarsoodi ah uga Ganacsanayay Maandooriyaha nooca loo yaqaano Xashiishka. Eedeysanahaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa la soo qabtay isagoo ka Ganacsanaya Maandooriyahan Xashiishka ah oo gaarayay ilaa 11 kiilo. War kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ay kusoo qabteen ninkaan xog ay heleen, islamarkaana eedeysanaha ay ku socoto baaris lana hor keeni doono Maxkamada. “Ciidanka Booliska wuxuu uga digayaa bulshada ka Ganacsiga iyo isticmaalka Maandooriyaha, cid kasta oo lagu helo waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir. Si kastaba ha ahaate Ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallo ka dhan ah la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya iyo waliba kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta dad ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir. Ma aha markii ugu horeysay ee la soo qabto Maandooriye gudaha caasimadda Muqdisho,waxaa horay Dekedda Muqdisho lagu qabtay Konteener ey ka buuxaan Daawooyin nuuca Maandooriyaha ah lagana isticmaalo degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaane la sugaa in ragii lahaa Konteenerkasi la horkeeni doono Maxkamadda.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MASAR OO DHAWAAN SOOMAALIYA U SOO DIREYSA11-KUN ASKERI.

Next
Next

NUSOJ OO TABABAR U FURTAY SAXAFIYIIN SOOMAALIYEED OO JOOGTA MUQDISHA.