NIRA IYO MUSHAARKA SHAQAALAHA OO LA SIKU XIRAAYO.
(MUUQAALKA)-AQOONSIGA NIRA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ku wargeliyay qorshe lagu isku xiriirinayo Nidaamka Mushahar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Warqad ku taariikhaysan 29-ka Agoosto 2026 ayaa lagu sheegay in hirgelinta nidaamka cusub ay bilaaban doonto 1-da Oktoobar 2026, iyadoo marka hore la sameynayo tijaabo (Pilot Test). Intaas kadib, nidaamka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa dhammaan hay’adaha dowladda, iyadoo qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo 31-ka Diseembar 2027. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in isku-xirka labada nidaam uu muhiim u yahay xaqiijinta xogta shaqaalaha dowladda, hubinta mushaharka iyo la-dagaallanka shaqaalaha aan jirin (ghost workers) iyo khaladaadka ka dhalan kara nidaamka mushahar-bixinta. Warqadda ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in shaqaalaha aan hay’adaha NIRA ka diiwaangashanayn ama aan xogtooda si sax ah loo xaqiijin karin aan lagu dari doonin nidaamka mushahar-bixinta marka nidaamka cusub si rasmi ah u dhaqan galo.
ISHA-GJ.