CIIDAMADDA TURKIGA IYO KUWA SOOMAALIDDA OO XOOG KU SOO FURTAY MARKAB LOO HEYSTAY AFDUUB.

(MUUQAALKA)-MARKABKA LUTUF.

(DOHA/QATAR)-Ciidamada Turkiga iyo kuwa Soomaaliya ayaa sii daayay markab xamuul ah oo ay burcad badeed ku haysteen xeebaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu. War qoraal ah oo ay soo saartay Sabtidii, Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "14 burcad badeed ah" ay ku dhinteen hawlgalkii lagu soo furanayay markabka MV Latuf oo calanka Cameroon ku shaqeeya. Afar ka mid ah doomahooda ayaa sidoo kale burburay, sida ay sheegtay.MWasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in "cadaadis joogto ah oo ka yimid ciidamada ay ugu dambeyntii ku qasabtay burcad-badeedda hartay inay ka tagaan markabka", taasoo u oggolaanaysa ciidamada inay la wareegaan maamulka markabka. Hawlgalka samatabbixinta waxaa lagu fuliyay heshiis iskaashi difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo looga gol lahaa xoojinta amniga badda, ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo la dagaallanka burcad badeedda, sida ay sheegtay. Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan wax khasaare ah ama fayoobaanta shaqaalaha markabka. Nabadoon C/llaahi Warsame oo ka mid ah waxgaradka beesha Jiifle ee degmada Godob Jiiraan ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in la sii daayay markabka iyo shaqaalihii la socday. Markabka MV Latuf ayaa ka baxay Dekedda Tekirdag ee Turkiga dabayaaqadii Luulyo. Waxaa la afduubtay Agoosto 17keedii biyaha xeebta gobolka Nugaal ee Puntland, oo ah maamul federaal ah oo ka tirsan waqooyi-bari Soomaaliya. Sida laga soo xigtay bogga internetka ee Marine Traffic, markabka xamuulka qaada ayaa sii waday safarkiisa ilaa meeshii uu ku socday ee la sheegay inuu ku yaalo Dar-es-Salaam ee dalka Tanzania. Burcad-badeednimadu waxay aad ugu badnayd xeebaha Soomaaliya sanadihii 2000-meeyadii, iyadoo heerka ugu sarreeya uu gaaray 2011, ka hor inta aan la xakameyn howlgallada badda ee caalamiga ah iyo tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsiga. Laakiin  weerarradu way kordheen  tan iyo bishii Abriil, iyadoo ugu yaraan 15 weerar ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya sanadkan, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2013, sida laga soo xigtay tirokoobyada Hay'adda Badaha Caalamiga ah. Ugu yaraan shan markab oo xamuul ah ayaa la afduubtay, kii ugu dambeeyayna waxaa la qabtay Agoosto 20-keedii xeebta Yemen.

ISHA-AJ.

Previous
Previous

GUDIGA MADAXA BANAN EE XUQUUQUL INSAANKA OO KULMAY MAANTA.

Next
Next

NIRA IYO MUSHAARKA SHAQAALAHA OO LA SIKU XIRAAYO.