(MUUQAALKA)-NINKA SOOMAALIGA AH IYO NINKA ISKU DAYEY INUU DILO.
(HOPKINS/MINN)-Waxaa xaalad caafimaad oo halis ah ku jira Moxamed Yusuf oo ah Aabe isaga oo shaqadda Uber-ka ku jira nin uu waday oo rakaab u ahaa uu si arxan darro ah u weeraray, dhaawac halis ahna gaadhsiiyay Moxamed oo ah darawal ku shaqysta ganacsiga gaadiidka ee Uber. Shaqaalaha gurmadka deg-dega ayaa Moxamed Yusuf ka helay god waddada u dhow ka dib markii nin rakaab ah oo uu gaadhiga ku waday uu weeraray, si arxan darro ah u garaacay, isla markaana dhowr jeer gaarigii uu Moxamed watay si ula kac ah u dul mariyay, ka dibna uu Moxamed oo dhaawac halis ah godka uga dhaqaaqay. Moxamed ayaa ku jira koma, isaga oo dhaawac tirro baddan oo halis ah ay soo gaadheen. Qoyska Moxamed ayaa sheegeen in weerarka ka dhacay magaalada Hopkins, gobolka Minnesota. Qoyska ayaa sidoo kalle sheegay in Aabahood ka jabay lugaha iyo feeraha, sidoo kalle sambabka uu dhaawac halis ah uu ka soo gaadhay. Qoyska Moxamed ayaa sheegeen in Samit Apurva Patel oo ah ninkii rakaabka ee Moxamed waday uu markii hore Moxamed weydiiyay magaciisa, ka dibna uu u sheegay in Moxamed la dhaho Moxamed ku yiri: “Magacaas ma jecli,” ka hor inta uusan weerarin. Qoyska Moxamed ayaa weerarkan ku tilmaameen “fal iyo dembi nacayb ah oo cad.” Booliska magaalada Hopkins ayaa sheegay inay fuliyeen dhowr amar oo maxkamadeed oo oggolaanaya baaritaanno la xiriira weerarka Moxamed loogeystay, isla markaana ay weli wadaan ururinta caddeymaha. Hase yeeshee, waxay sheegeen inaysan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin karin kiiskan iyo weerarka Aabahan Soomaaliyeed loo geystay. Waxaan idinla wadaagi doonnaa wixii akhbaar dheeraad ah ee la xiriira weerarkan iyo warbixinta marka aan helno xog dheeraad ah.
XIGASHO-TT.