NIN SOMALI-CANADYAN AH OO LOO OGOLAADAY INUU U DUULO SOMALIA/SACUDIGA.

(MUUQAALKA)-AYAANLE.

(TORONTO/CANADA)-Dowladda Canada ayaa u oggolaatay Ayanle Xasan Cali, oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, in uu u safri karo dalalka Sacuudiga iya Soomaaliya, kaasoo 14-kii Maarso 2016 weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday xarunta ciidamada Canada ee lagu qoro askarta ee magaalada Toronto. Go'aanka ayaa u oggolaanaya Ayanle, oo 38 jir ah, inuu safar saddex toddobaad ah ugu baxo Sacuudiga si uu u soo guto waajibaad diimeed, ka hor inta uusan u gudbin Soomaaliya. Dukumentiyada maxkamadda ayaa sheegaya inuu doonayo inuu Soomaaliya kula kulmo haweeney uu aabbihii u soo xulay inuu guursado. Saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, ka hor intii aysan ciidamada goobta joogay gacanta ku dhigin. Booliiska ayaa sheegay inuu goobta ka yiri, "Ilaahay ayaa ii sheegay inaan halkan imaado oo aan dadka dilo." Weerarka ayaa markii dambe loo aqoonsaday fal argagixiso. Qoyskiisa ayaa sheegay in sanado ka hor weerarka uu muujinayay calaamado la xiriira xanuun dhimirka ah (SCHIZOPHRENIA), oo ay calaamadihiisa ka mid ahaayeen maqalka codad aan jirin, cabsi uu ka qabay in dowladda ay daba socoto iyo inuu bulshada ka go'ay. Inkastoo xaaladdiisa caafimaad la sheegay inay soo hagaagtay, guddiga ayaa sheegay inuu weli khatar ku yahay bulshada, hase yeeshee wuxuu oggolaaday safarka iyadoo lagu xiray shuruudo iyo kormeer caafimaad.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

RW-KU-XIGEENKA SOOMAALIYA JIBRIIL OO SI RASMI AH ISAGA CELIYEY BAASBOORKA KENYA.

Next
Next

ITOOBIYA OO CADEYSAY MAWQIFKEEDA HAWLGALKA AUSSOM.