NAIROBI: ARDAY DHIGTA DUGSIGA SARE OO LA MINDIYEEYEY.

(SAWIRKA)-BOOLISKA.

(NAIROBI/KENYA)- DEG DEG:-Arday fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Ruthimitu Mixed Secondary School oo ku yaal koonfurta Dagoretti ee Nairobi ayaa soo kabanaya ka dib markii la sheegay in arday kale uu mindi ku dhuftay, taasoo keentay dhaawacyo halis ah. Sida laga soo xigtay qoyska dhibanaha, ardayga ayaa mindi laga geliyay caloosha, waxaana hadda lagu daweynayaa isbitaal maxalli ah, halka qofka weerarka geystay ee looga shakisan yahay uu weli ku jiro gacanta booliiska iyadoo baaritaannadu ay socdaan. Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa walaaca laga qabo anshax xumada ka jirta xarumaha waxbarashada, halkaas oo ardaydu ay si isa soo taraysa uga soo horjeedaan sharciga. Boolisku weli ma uusan soo sheegin magacyadda ardayda dhibaatadu dhexmartay iyo sababta keentay in araday isku dugsi ah ey isla dhacaan mindi waqti lagu guda jiro waxbarashada.

ISHA-CITIZEN DIGITAL.

Previous
Previous

CIRAAQ: DAB KA KACAYA XARUN SHIDAAL GUDAHEEDA.

Next
Next

HAYADDA NISA OO BURBURISAY XARUN LAGU DIYAARIYO QARAXYADDA.