HAYADDA NISA OO BURBURISAY XARUN LAGU DIYAARIYO QARAXYADDA.

(SAWIRKA)-ASTAANTA NISA.

(MUQDISHO)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab. War saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu burburiyay xarun muhiim u ahayd kooxda, halkaas oo lagu gubay lix matoor oo waaweyn oo loo adeegsan jiray farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa. Inta uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Sidoo kale, War saxaafadeedka NISA ayaa daaha looga qaaday in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey lagu beegsaday Dagaalamayaal gabbaad ka dhiganayay dhul kayn ah, waxaana lagu dilay saddex xubnood oo kale, iyadoo la kala eryay Dagaalamayashii halkaas ku sugnaa. Ugu dambeyn waxa ay NISA ay tilmaamtay in Howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay dowladdu ku wiiqeyso awoodda Al-shabaab, kuna burburineyso xarumahooda iyo abaabulkooda, Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

HALKAN KA AKHRISO WARKA NISA.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

NAIROBI: ARDAY DHIGTA DUGSIGA SARE OO LA MINDIYEEYEY.

Next
Next

IRAAN OO SOO RIDAY DIYAARAD DAGAAL UU MARAYKAN LEEYAHAY.