MW.XASAN SHEEKH OO FURAY WADDO MUHIM U AH REER MUQDISHO.

(SAWIRKA)-MW.XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, Waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Benaadir. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha Waddadaan ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu, gaar ahaan dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Benaadir tallaabada dhaxal reebka ah ee shacabka dib loogu celiyay Canshuurtii laga qaaday. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay si dhab ah ugu tallaabsaneyso hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, isaga oo siyaasiyiinta hanka leh iyo daneeyaasha kalaba ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan hirgalinta himmiladaasi Qaran. "Hadafkeennu waa in siyaasadda la nidaamiyo oo talada dib loogu celiyo shacabka, suurtagal ma'ahan in shaqsi ama shaqsiyaad kooban ay go'aan ka gaaraan masiirka Malaayiinta Soomaaliyeed. Doorasho waa Qof iyo Cod ee halloo diyaar garoobo". Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay ganacsada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan tacabka beeraha iyo warshadaha, si looga maarmo ku tiirsanaanta waxyaabaha dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo. Waxaa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Xasan Maxamed Xuseen MuunGaab, waxa uuna sheegay Muungaab in wadadaan maanta la furay uu dhagax dhigay Reysaral Waasaraha Xukuumadda Dagqaran Md.Xamse Cabdi Barre sannadkii 2023-kii, waxaane hawsheeda la bilaabay ayuu yiri Gudoomiye Muungaab bishii Sebtembar-2025-kii. Wadadaan maanta la furay ayaa dhererkoodu dhan yahay 1-kiiloomitit iyo 300-mitir, waxa eyna leedahay Buundo ey maraan biyaha, shirkadda dhistay wadadaan ee la yiraahdo DOCOL oo ah shirkad Maxali ah ayaa ballan qaaday iney masuul ka tahay wax kasta oo ku yimaado wadadaan muddo dhan shan sano laga bilaabo maanta. Gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay wadadaan uu yahay mid ka yimid shacabka caasimadda Muqdisho ee uusan ahayn mid kaalmo dibadeed ah.

ISHA-VILLA SOMALIA.

Next
Next

22-TAHRIIBAYAAL OO KU GEERIYOODAY XEEBAHA GIRIIGA.