HAWLGALKA AUSSOM OO BEENIYEY WARAR LAGU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA.

(SAWIRKA)-QORAALKA AUSSOM.

(MUQDISHO)-AUSSOM waxay Maanta kala wareegtay ciidamada Ingiriiska gacan ku haynta Saldhigga Hawlgalka Operation Base(OB) SHAND ee Muqdisho, taas oo xoojinaysa awoodda hawlgalka iyo taageeridda dadaallada amniga ee ay hoggaaminayso Soomaaliya. Operation Base(OB) SHAND oo la aasaasay 2017-dii si ay u noqoto goobta ugu weyn ee ay ka howlgalaan ciidamada Boqortooyadda Ingiriiska (UK) ee Soomaaliya, aya hadda wuxu noqon doonaa xarun istaraatiiji ah oo xoojineyso awoodda hawlgalka AUSSOM. Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire EL Hadji Ibrahima Diene ayaa sheegay in kala wareegidda ay ka tarjumayso iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Boqortooyadda (UK), Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo saaxibada caalamiga ah ee horumarinta dadaallada xasilinta ee Soomaaliya. Safiirka UK Charles King ayaa xaqiijiyay taageerada Ingiriiska ee la-dagaallanka Argagixisada, ilaalinta rayidka iyo xoojinta guulaha amniga, isagoo ku ammaanay AUSSOM, Dalalka Ciidamada & Booliska ugu deeqay howlgalka (TCCs) iyo DFS dadaalkooda joogtada ah ee ka dhanka ah khataraha xagjirnimada. Dhinaca kale, hawlgalka AUSSOM ayaa bartiisa X ku sheegay iney yihiin been abuur Waraaqaha lagu faafiyey baraha bulshada iyadoo la isticmaalay magaca iyo astaanta AUSSOM. Qoraalkaas ayaa lagu xusay hadal si toos ah u khuseeyo arrimaha hadda ka taagan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaane lagu xusay amaro u qornaay sidan:(1)-In Ciidamadda AUSSOM la faraayo iney ka fogaadaan wax kasta oo ku lug leh khilaafadka Siyaasadeed ee u dhexeeyo DFS iyo DG KGS. (2)-Ciidamadda AUSSOM waa iney ilaaliyaan dhexdhexaadnimadda adag oo ey diiradda saaraan oo kaliyah amniga iyo xasiloonidda. (3)-Ciidamadda AUSSOM ee ka hawlgala KGS waxaa la farayaa iney si dhaw ula shaqeeyaan: (a)-DFS iyo Kooxaha dib u habeynta ee ka shaqeynaaya nabadda. (4)-Dhammaan talaabooyinka lagu xoojinaayo xiisadaha Siyaasadeed ee waa in si adag looga fogaado. AUSSOM waxa ey ku celineysaa Muhimadda wadahadaladda, Xasiloonidda iyo midnimadda Soomaaliya. Dhammaan Cutubyadda AUSSOM waxaa halkan lagu faraa iney hirgeliyaan tilmaamahaas si deg deg ah.

ISHA-AUSSOM.

Previous
Previous

MA DIBLOMASIYIIN MASE CIIDAMADA ILAALADA KACAANKA IRAAN?

Next
Next

MW.XASAN SHEEKH OO FURAY WADDO MUHIM U AH REER MUQDISHO.