MW.QOORQOOR OO NAYROBI KULA KULMAY XUBNO KA SOCDO GMS.
(SAWIRKA)-MW.QQ.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaayo in xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed eyna ka mid yihiin ”C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Maxamed Xuseen Rooble’, waxaane kulankaas iyagan qeyb ka ah xubno ka tirsan Xisbiga uu hogaamiyo Saacid, waxaane ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed iyo Xildibaan Maxamed Abuukar Islaw. Ujeedada kulnka ayaa ahaa in Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor’ sidii loogu dhaadhicin lahaa inuu qabsado Doorashadiisa iskan iloobo hawlaha ey wado Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ee ah mideynta Doorashada Heer Federaal iyo mida heer Gobol. Ilo wareedyo ku dhaw goobta kulanka ka dhacay una waramay Warbaahinta Suuq-bacaad Media ayaa sheegay in Madaxweyne QoorQoor uu aqbalay dhammaan waxyaabihii loo soo jeediyey ee ahaa inuu qabsado Doorashadiisa sida uu qabo dastuurka DG Galmudug, waxa uuna ku adkeystay inuu yahay nin eysan DFS hageynin rabane inuu qabsado Doorashadiisa, taaso loo macneystay inuu si cad uga horyimid siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ee ah in Doorashada laga dhigo mid Qof iyo Cod ah kana dhacdo dhammaan DG dalka ka jiro sida Galmudug, KGS iyo H/Shabeelle.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/NAIROBI.