MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO MAGACAABAY GUDI DOORASHO OO MADAX BANAAN.

(SAWIRKA)-XILDHIBANADA GAARAY BAYDHABO.

(BAYDHABO/KGS)- DEG DEG:-War hadda inaga soo gaaray Xarunta ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Gudigaan uu magacaabay caawa Mw.Lafrgareen ayaa ka kooban ilaa sagaal qofood oo sideed ka mid ah ey yihiin Rag hal qofne ey tahay Dumar, waxa eyna kala yihiin:

(1)-Shuceyb Nuur Xuseen-Gudoomiye.

(2)-C/laahi Xuseen Cismaan-Gudoomiye ku Xigeen.

(3)-Feysal Maxamed Isxaakh-Xubin.

(4)-Ibrahim Isaakh Xasan-Xubin.

(5)-Maaxi Cismaan Cali-Xubin.

(6)-C/raxmaan C/qaadir Maxamed-Xubin.

(7)-Fardawso Maxamed Ismaaciil-Xubin.

(8)-Cismaan Jeylaani Awoow-Xubin.

(9)-C/raxman Maxamed Ibrahim-Xubin.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ey aad u sareeyso xiisadda ka dhex taagan maamul Goboleedka KGS iyo Dawladda Federaalka, waxaane degaanadda qaarkood ka jiro dhaqdhaqaaq mileteri ey wadaan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah kana soo horjeedo Madaxweyne Laftagareen sida uu wax u waqtigaan. Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay waxaa ku sugan abaabul xoogan oo dhinaca ciidmadda ah ka wado siyaasiyiin ey ka mid yihiin Danjir Ilyaas oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzaniya, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha ee XFS mudane Xasan Eelaay iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS mudane Sadaama Caliyaw. Dhianaca degmada Xudur ee gobolka Bakool kana tirsan DG KGS waxaa iyaga ku sugan Xildhibaanadda kala : Black iyo Cumar Balash kuwaaso maanta gaaray degmada Xudur ee G/Bakool, waxaane horay mawqifkooda u cadeeyey maamulka Gobolka Xudur sheegeyna iney la shaqeynayaan DFS. Dhinaca magaaladda Baydhabo ee hadda ah xarunta ku meel gaarka ah ee DG KGS ayaa iyadana waxaa maanta soo gaaray seddex Xildhibaan kana tirsan Golaha Shacabka BJFS kalana ah:(1)-Adan saransoor. (2)-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. (3)-Xasan C/nuur, ragaan ayaan weli la cadeeyn sida ey Baydhabo ku soo gaareen bacdamaa DG KGS ey xirtay hawadeed horaantii todobaadkan aan ku jirno.

HALKAAN KA AKHRISO MAGACYADA GUDIGA:

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/BAYDHABO.

Previous
Previous

MW.QOORQOOR OO NAYROBI KULA KULMAY XUBNO KA SOCDO GMS.

Next
Next

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA DALALKA MASAR, SACUDIGA,BAKISTAN, IYO TURKIGA OO KA..