MW.CIRRO OO SAMEEYEY MAGACAABIS IYO KA QAADIS WASIIRO.

(SAWIRKA)-MW.CIRRO.

(HARGEISA/SOMALILAND)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda la magac baxday Soomaliland ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne C/raxman Maxamed C/laahi Cirro uu maanta oo Axad ah uu soo saaray ilaa shan Wareegto kuwaaso midi ey tahay Xil ka Qaadis afarta kalane ey yihiiin magacaabis. Wareegta Xil ka Qaadis ayaa waxaa ku qornaay ilaa afar Wasiir oo Kaliyah halka wareegta Magacaabista ahayd ey ku qornaayeen Wasiiro, Wasiiro Ku-xieegno, La Taliye iyo Gudoomiye Gudi. Waane sidan

(1)-Md.Aadan Geedi Qayaad, ayaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha

(2)-Md.Maxamed Cabdi Malik, ayaa loo magacaabay Wasiirka Biyaha

(3)-Md.Dr Cabdisalaan Xuseen Awaale, ayaa loo magacaabay Wasiirka Isgaadhsiinta

(4)-Md.Garyaqaan,Barkhad Batuun, ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda. Magacyadda Wasiir Ku-xigeennada, La-taliyaha & Xubinta Guddiga Diiwaangelinta.

(1)-Md.Mukhtaar Xaaji Muxummed Faarax – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, laga soo bedelay Beeraha.

(2)-Md.Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska, laga soo bedelay Maalgashiga iyo Warshadaha.

(3)-Md.Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaaydh) – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta & Sayniska, laga soo bedelay Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

(4)-Md.Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha, Wasirul Dawlihii hore ee Waxbarashadd, Barbaarinta iyo Sayniska.

(5)-Md.Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laga soo bedelay Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda.

(6)-Md.rwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, laga soo bedelay Horumarinta Caafimaadka.

(7)-Md.Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi – Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha,laga soo bedelay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda. Wasiiradda xilalka laga qaaday ayaa kala ah: (1)-Abubakar C/raxman Good”Wacays”,Wasiirkii hore Horumarinta Biyaha. (2)-Maxamuud Cige Yuusuf, Wasiirkii hore ee Horumarinta Beeraha. (3)-Jamal Maxamed Jamac, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda JSL.

LA TALIYAHA:

(1)-Md.Dr. Maxamed Cismaan Fadal – La-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah.

XUBIN GUDI:

(2)-Md.Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi – Xubin ka mid ah Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

XIGASHO0 SOMALILAND TV.


Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA KGS.