MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA KGS.
(SAWIRKA)-BAYDHABO.
(BAYDHABO/KGS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada. Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta. Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka. Dhinaca kale, kooxda khawaarijta AL-shabaab ayaa habeenkii xalay waqti dambe abaarihii 2:30-subaxnimo waxa ey weerar ku soo qaaday magaaladda Baydhabo gaar ahaan xaafaddaha Bukriyey iyo Tawfiiq, waxaane weerarkaasi si adag isaga caabiyey geesiyaasha Xooga dalka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugnaay. Sida la soo sheegay weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaawac soo gaaray laba cunug oo saqiir ah iyo geeridda hal askeri oo Boolis ah laguna magacaabo Cali Dharaan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hayadaha amniga ee magaaladda kuna saabsan weerarkii xalay ka dhacay magaaladda Baydhabo.
ISHA-SNTV.