MW-XASAN SHEEKH OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA AFRICOM.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MADAXA AFRICOM.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka. Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dowladda Mareykanka lagana soo doortay G/Illinois, waxa uuna ka tirsan yahay Xisbiga hadda haayo talada dalka Maraykanka ee Republic, kaasi oo safar shaqo kusoo gaaray dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada xoojinta nabadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee ganacsiga iyo dhiiragelinta maalgashiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo xaqiijinta jawi amni oo horseeda maalgashi iyo horumar. Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dal.
XIGASHO-SNTV.