ISQAB-QABSIGA KA JIRA GUDOONKA XIRIIRKA K/KOLAYGA MAXAA U SABAB AH?

(SAWIRKA)-DHALLINYARDII METELEYSAY SOMALIA.

(CAIRO/EGYPT)-Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay inay ka qaybgasho isreebreebka Tartanka Kubadda Kolayga FIBA ​​ee cayaartooyda ey da’adooda ka yar tahay 18-sano(U18) ee AfroBasket Zone 5 ee ka dhacay Qaahira inkastoo ciyaartoyda meteleysa dalka Soomaaliya ay yimaadeen Masar, iyadoo mas'uuliyiinta kubbadda kolayga ay ku eedeeyeen dib u dhac maamul iyo khilaaf hoggaamineed oo ka dhex jira Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga. Tartankan oo ay soo qabanqaabisay FIBA, ayaa lagu qabtay Qaahira laga bilaabo 23-kii Luulyo ilaa 29-keedii ka dib markii laga soo raray caasimadda Kampala, ee dalka Uganda. Waxa uu ahaa tartan la isugu diyaarinaayo ka qeybgalka isreebreebka FIBA ​​U18 AfroBasket 2026 ee ka dhici doona Abidjan, Côte d'Ivoire. Dalka Soomaaliya waxaa lagu daray kooxaha ugu horreeya ee tartanka wiilasha kaliyah bacdamaa eysan jirin Gabdho, laakiin lix kooxood oo keliya ayaa ku tartamay tartanka Qaahira kalana ah: Dalka Martigeliyey tartanaka oo ah Masar, Rwanda, Uganda, Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Tanzania. FIBA ​​si cad uma aysan sharxin maqnaanshaha kooxda Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga ayaa waxaa ka dhex aloosan khilaaf u dhexeeyo ragga kala ah C/laahi C/lle Xasan oo loo yaqaano Dhaqaale iyo Kooshin Diiriye oo labaduba kala sheeganaayo iney yihiin Madaxweynayaasha sharciga ah ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, labaduba waxa ey sheeteen in Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka ee FIBA aqoonsn tahay,laakinse Xasan wuxuu sheegay in isaga ey FIBA ​​aqoonsan tahay, halka Diiriye ay aqoonsatay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo iyada ka masuul ah Dhallinyarada iyo Cayaaraha dalka oo dhan. Isagoo la hadlayay wargeyska Dawan Africa oo ka soo baxa magaalada Qaahira, Dhaqaale wuxuu sheegay in maamulkiisu uu shaqaaleysiiyay ciyaartoy Soomaaliyeed oo ku sugan dibadda, isla markaana uu bilaabay diyaargarow bilo ka hor tartanka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in ciyaartoyda aysan buuxin karin shuruudaha ay ku matali karaan Soomaaliya sababtoo ah ma aysan helin baasaboorka Soomaaliya, diiwaan gelintooda FIBA-na lama dhameystirin ka hor waqtiga kama dambaysta ah. "Sababta ugu weyn ee ciyaartoydu u tartami waayeen waxay ahayd dib u dhaca baasaboorradooda," ayuu yiri Xasan. "Markii aan ugu dambeyntii gudbinay dukumeentiyada, horey ayaan u daahnay." Wuxuu sheegay in ciyaartoyda ay u safreen Masar baasaboorrada dalalka kale laakiin ay u baahnaayeen baasaboorrada Soomaaliya iyo ogolaanshaha FIBA ​​si ay u matalaan Soomaaliya. Dhaqaale wuxuu sheegay in waalidiintu ay ku kharash gareeyeen ku dhawaad ​​$3,000 safarka, halka xiriirkiisuna uu ku kharash gareeyay qiyaastii $1,560 diyaarinta baasaboorka. "Waannu ku kalsoonayn, lacagtiina waan siinay, waxaanan ka codsanay inuu diyaariyo baasaboorrada," ayuu yiri Xasan, isagoo ka hadlaya Diiriye. "Baasaboorrada dib ayaa loo dhigay ilaa ciyaartoydu aysan ciyaari karin." Xasan wuxuu ku eedeeyay Diiriye, madaxweyne ku xigeenkiisii ​​​​hore, inuu diiday baasaboorrada isagoo raadinaya maamulka xiriirka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali inuu faragelin ku sameeyay khilaafka isla markaana uu la xiriiray hay'adda gobolka ee FIBA. Dhaqaale wuxuu sheegay in guddiga fulinta ee uu hoggaamiyo la doortay bishii Agoosto 2025 muddo sharci ah, isla markaana aan lagu beddeli karin dastuurka federaalka. Dhanka kale Diiriye, wuxuu madax ka yahay guddi fulineed oo gooni ah oo la doortay intii lagu jiray shir ay yeesheen Naadiyada, Garsoorayaasha, Tababarayaasha iyo Ciyaartoyda dabayaaqadii Juun. Waa arrimo mar walba ku soo noqnoqda cayaaraha dalka Soomaaliya, arrintaan oo kale waxay uga dhacday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaane isku qabsaday Madaxweynaha hadda ee XSKC Md.Cali Shiine iyo Gudoomiyihii isaga xilka uga horeeyey Md.C/qani. WAAD ILA SOO XIRIIRI KARTAA COMMENT-GA SOO DHIGA TELEFOONKAADA SI AAN KUU SOO WACO.

XIGASHO-DA.

Previous
Previous

XIRIIRADDA K/CAGTA EE FIFA IYO UEFA OO EY KA DHEX TOLAN TAHAY.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA AFRICOM.