MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA LA KULMAY MUCAARADKIISA.

(SAWIRKA)-SHIRKII MAANTA EE HOTEL DECALE.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan fool-ka-fool ah la yeeshay hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Madasha Samatabixinta Soomaaliyee ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Xubnano ey ka yihiin Raysal Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah. Kulankan oo ku furmay qado sharaf uu Madaxweynuhu u sameeyay Madaxda Golaha, ayaa hordhac u ah wada-hadallo la xiriira muranka Doorashooyinka iyo Wax-ka-beddellada Dastuurka ee haatan taagan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa masuuliyiinta mucaaradka ee shirka ka qeyb galay, ayaa sheegay in kulanka uu rajo gelinayo in la helo xal siyaasadeed oo lagu wajaho xaaladaha adag ee dalka. “Waxaan rajaynayaa in wadahadalku miro-dhal noqdo si dalka looga samatabixiyo xaaladda adag ee abaaraha, culaysyada dhaqaale, hubanti la’aanta siyaasadeed ee xilliga kala-guurka iyo damaca shisheeyaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale, Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Carab, ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka maanta uu ahaa “is-arag kaliya”, isla markaana la filayo in maalmaha soo socda ay sii socdaan kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya dhinacyada. Shirka ayaa duhurnimadii maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Reysal Wasaare Ku-xigeenka Labadaa,Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka, Cali Balcad, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku tilmaamay kulanka mid ku furmay jawi deggan oo wada-hadal ah, islamarkaana la isku afgartay in la sii ambaqaado wada-xaajoodyada si xal waara looga gaaro arrimaha muranka dhaliyay, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka. Kulamadan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan natiijada ka soo baxda wada-hadalladan.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SHACABKA UGU HAMBALYEEYEY BISHA RAMADAAN.

Next
Next

MAXKAMADDA HARGEYSA OO XUKUNTAY MUBARIK.