MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SHACABKA UGU HAMBALYEEYEY BISHA RAMADAAN.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo jeediyey in bishaan Ramadaan looga faa’iideysto sidii loo ilaalin lahaa Midnimada iyo wadajirka bulshada,sidoo kalane loo halin lahaa khilaafaadka weli ka jira dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa si cad u sheegay in Dawladiisa ey diyaar u tahay wada hadal iyo is qancin si meesha looga saaro khilaafka soo noqnoqday ee ragaadiyey horumarka dalka Soomaaliya.
XIGASHO-SNTV.