MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY G/MUDUG EE BARTAMAHA SOOMAALIYA.
(MUUQAALKA)-MW-XASAN OO GAARAY BANDIIRADLEY.
(MUDUG/GM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah shacabka magaalada. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Bandiiradleey ayaa qayb ka ah safarkiisa Nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada Galmudug, kaas oo uu ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, isaga oo si dhow ugu kuur-galaya xaaladda nololeed, amniga iyo horumarka bulshada ee deegaanada uu booqanayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka magaalada Bandiiradleey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka bulshada, amniga iyo horumarka deegaanka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga iyo nolosha bulshada ayaa soo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa salaan la dhex qaaday boqolaal ka mid ah shacabka reer Galinsoor, kuwaasi oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada reer Galinsoor ayaa ugu baaqay in ay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaaladu ay noqoto deegaan nabad ah oo ay si walaaltinimo leh ugu wada nool yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed ee wada dega.
ISHA-SNTV.