MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(ADDIS ABABA/ETHIOPIA)-Wararka ka kimanaayo caasimadda dalka Itoobiya ee addis Ababa ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray Addis Ababa isagoo booqasho rasmi ah ku tagay si uu wadahadallo ula yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, taasoo ka dhigan kulankii afraad ee fool ka fool ah oo dhexmara labada hoggaamiye lixdii bilood ee la soo dhaafay iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa la soo dhaweeyay markii ay gaareen caasimadda Itoobiya. Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed, iyadoo la filayo in wadahadalladu ay diiradda saaraan amniga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu wadahadallo la yeesho Ra'iisul Wasaare Abiy si loo xoojiyo iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka ee ballaaran ee Geeska Afrika. Kulankii ugu dambeeyay wuxuu daba socdaa kulamo heer sare ah oo dhexmaray labada hoggaamiye. Bartamihii Maarso 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir saddex geesood ah ku yeeshay Jabuuti oo diiradda lagu saarayay nabadda, amniga, iyo iskaashiga gobolka ee Geeska Afrika. Shir madaxeedka waxaa ka horreeyay wadahadallo dhex maray Abiy iyo Xasan Sheekh oo ka dhacay Addis Ababa bartamihii Diseembar 2025, ka dibna waxaa xigay booqasho uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Jigjiga dabayaaqadii Janaayo. Booqashadan ayaa sidoo kale timid toddobaad uun ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Nairobi , halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dhinac iyo sidoo kale nabadda iyo amniga gobolka. Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn u soo hagaagay bilihii u dambeeyay ka dib markii la soo saaray Baaqa Ankara, kaas oo u gogol xaaray dib-u-hawlgal diblomaasiyadeed oo cusub ka dib bilo xiisado ka dhashay heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland. Tan iyo markaas, Addis Ababa iyo Muqdisho waxay dib u bilaabeen is-weydaarsi heer sare ah oo joogto ah waxayna xoojiyeen iskaashiga amniga iyo arrimaha gobolka.
ISHA-AS.